Hal Shay oo Aanad Qarin Karin !

0
856

Badiba dadka bulshada ugu caansani waxa ay u dhaqmaan sidii oo ay yihiin kuwa ugu saamaynta badan dhinac kasta. Sida togan ee maskax ahaan aad u dhaqanto oo aad guushaada si taxadar leh ugu ladhaa, waa wax kasta oo aad samayso. Waxa jirta odhaah guun ah oo tidhaahda, “Ma aha awooddaada laakiin waa siyaabaha aad u dhaqanto, kuwaas oo xaddida inta ay shakhsiyadaadu le’eg tahay.” Dhab ahaan marka aad noqoto qof togan oo dhanka wanaagsan wax ka eegaya, inta badan dadku waxa ay kuu furi doonaan albaabada fursadaha ay kuu hayaan, kuwaas oo dad badan loo diiday.

Badanaaba bani’aadanku waa caadifi. Caadifad ahaan ayeynu go’aan u gaadhnaa; kadibna waxa aynu bixinaa sabab wanaagsan oo caqli-gal ah. Xaalad kasta, waxa inta badan si buuxda inoo maamula dareenadeena; gaar ahaanna xidhiidhada aynu dadka kale la leenahay. Marka aad eegto inta badan loolanka u dhexeeya sababaynta (reasoning) iyo caadifadda (emotion), wakhti walba caadifadda ayaa guuleysata.

Haddii dhab ahaantii aad dooneyso in aad si joogto ah ula kulanto durdur nasiib wanaag ah iyo xaalado farxadeed, adiga ayay masuuliyadaada tahay in aad samayso noociyadda shakhsiyadeed ee laga dheehan karo kalsooni iyo kalfurni, taasi oo dadka kale dareenkooda ku soo jeedin karaysa in ay jeclaadaan siyaabaha aad u dhaqanto.

Earl Nightingale oo ahaa wariye caan ah oo idaacadeed ayaa kelmada (Attitude)—sida uu qofku wax u arko ama u dareemo— ku tilmaamay in ay tahay kelmada ugu muhiimsan ee ku jirta luqadda ingiriisiga amaba luqad kale oo kasta. Sida aad wax u dareento waxa lagu qeexi karaa, hanaankaaga guud ee caadifadeed ee ku aadan qof kasta ama xaalad kasta. Waa halka shay ee kugu saabsan ee markiiba dadku ay aqoonsan karaan. Adiga ayuu kaa soo baahaa oo waxa laga dheehdaa dhaqdhaqaaqa wajigaaga, luqada jidhkaaga, dhawaaqa codkaaga iyo qoraallada aad baahiso. Waxa durbadiiba laga arki karaa; lagana dareemi karaa xidhiidh kasta oo bani’aadan sameeyo.

Dadka kugu xeerran waxa saamaysa sida aad wax u dareento ama aad wax u aragto; waxana ay ula falgalaan si toos ah. Marka aad tahay qof togan, faraxsan; dadkuna ay jeclaan karaan, waxay kuugu jawaabaan in aad tahay qof togan, faraxsan; lana jeclaan karo.

Bal adigu sawiro wakhti yar oo kooban gudihii sida laba qof oo iibinaya wax isku mid ahi ay u dhaqmaan. Mid labadaas ka mid ahi waa mid xamaasadaysan, soo dhawayn leh, oo qalbi xaadhan. Halka ka kalena uu yahay mid aan dhoolo cadayneyn, aan faraxsaneyn oo werweraya. Midkee ayaad labadan qof is leedahay waxa uu soo jiidan karaa dadka macaamiisha ah?

Haddiiba aad is tidhaahdo alaabo soo iibso ama aad adeeg u baahato amaba aad ganacsi la wadaagto laba qof oo kala duwan, midkee ayaad dooran lahayd, qofka togan ama qofka taban? Ilaasho Shakhsiyadaada oo sharaf naftaada!

Sharfidda naftu waa shayga ugu muhiimsan ee ilaalinta shakhsiyadaada. Sida dhabta ah ee aad naftaada u dareento ayaa waxa ay xaddidaa saamaynta aad dadka kale ku yeelato. Sharfidda naftaada waxa si fiican loogu qeexaa in ay tahay, ilaa heerka aad naftaada jeceshahay. Mar kastoo aad naftaada aad u jeclaato una tixgeliso, sidoo kale aad waxaad u jeclaan doontaa una tixgelin doontaa dadka kale; iyaguna sidoo kale aad ayey kuu jeclaan doonaan; kuuna tixgelin doonaan. Wax kasta oo aad samayso ama aad tidhaahdo si aad u dhisto; una adkayso sharfidaada gaarka ah ee nafeed, waxa uu hore u mariyaa sida aad wax u dareento iyo xidhiidhada aad la yeelato dadka kale.

Tani waa hab kale oo si kale loo odhan karo dunidaada kore waxa ka socdaa waa humaag ka yimid dunidaada gudaha. Xidhiidhada aad ka samayso dunidaada korku, sidoo kale waa humaag ka yimid qiyamka shakhsiyadeed ee ka jira dunidaada gudaha.

 

Fayoqabka maskaxeed wuxuu aad ula mid yahay fayoqabka duleed; labadaas is waafajintooduna waxay u baahan tahay tobabar gaar ah. Kaliya dul ahaan haddii aad noqoto mid fay ah marka aad jidhkaaga ka shaqaysiiso, sidoo kale maskax ahaan waxa aad noqotaa fay marka aad maskaxdaada ka shaqaysiiso. Waxa aad dhistaa muruqyadaada adiga oo si joogto uga shaqaysiinaya. Waxa aad dhistaa muruqyada maskaxdaada, heerarka sharfidda naftaada, xurmaynta naftaada iyo kalsooni gelinta naftaada, adiga oo siyaabo gooni ah uga shaqaynaya.

Bal haddaba aynu in yar isdul taagno qaabka aad u ilaalinayso fayo-qabkaaga maskaxeed; waana sidan soo socota:

Midda 1aad, si aad xididdada ugu saarto caadifadaha taban ee cadhada, calaacalka, xasadka, hiirtaanyada, iyo shalaytada, waa in aad samayso go’aan aan ka noqosho lahayn oo aad ku aqbalayso in aad masuul buuxa ka tahay wixii ku saabsan noloshaada, wax kasta oo aad tahay iyo wax kasta oo aad noqon doonto. Waa in aad iska dayso in aad cudur daarro samayso amaba in aad cid kale u calaacasho. Waa in aad naftaada u aragto, in ay tahay awoodda waxsoosaar ee taagantaada iyo timaadadaada gaarka ah. Waa in aad fahamto in aad tahay meesha aad joogto iyo qofka aad tahay; sababtuna ay tahay xulashooyin iyo go’aamo aad hore u samaysay; maadaama aad samaysay xulashooyinkaas iyo go’aamadaasna, kaliya adiga ayaa masuul ka ah naftaada.

Midda 2aad, waa in aad dusha u ridato maaraynta noloshaada adiga oo naftaada ku qancinaya in aad tahay qof firfircoon. Sabab u noqo in ay wax dhacaan halkii aad sugi lahayd ama aad rajayn lahayd sida aad dooneyso in ay wax u dhacaan. Waa in aad isu aragto maareeye isbedel halkii aad isu arki lahayd dhibane isbedel. Haddii aanad mabsuud ku ahayn qayb noloshaada ka mida, mashquul noqo oo samee wax arrintaas ku saabsan, laakiin diid oo ha ogolaan caadifadaha tabani in ay soo afjaraan shakhsiyaddaada ama in ay heedhheedh galiyaan himiladaada.

Midda 3aad, waa in qorshayaal qoran oo xayaabo tirani ay kuu degsan yihiin si aad u xaqiijiso. Maalin walba waa in aad ka shaqayso ahdaaftaada waaweyn. Waa in aad laasinto dareen hore-u- socodnimo oo ku siinaya tamar iyo xamaasad. Ku sandulee naftaadu in ay ku mashquulsho ka shaqaynta waxyaabaha muhiimka kuu ah ee aanad ka werwerin in wakhti kaaga lumo xaalado aan munaasib kuu ahayn oo aanad xakamayn karin. Waxa jira wax aad qaban karayso iyo wax aanad qaban karayn, qabo waxa aad qaban karayso; haddii se aad ka werwerto wax aanad qaban karayn waxa meesha ka baxaya wixii aad qaban karaysay; waxana aad lumisay wakhti iyo tamar.

Midda 4aad, waa in aad aqoonsato in aqoonta iyo xirfaddu ay yihiin xalka madaxbanaani maaliyadeed. Bartaha wax badani, kasbadaa wax  badan. Mar kastoo aad barato wax ku saabsan aqoontaadii jaamacadeed ama shaqada aad hayso, waxa sii badanaya fursadaha aad heli doonto si aad u adeegsato aqoontaada sarre u sii kacaysa. Marka aynu horumar ka hadlayno, waa in taagantaadu kaaga duwanaato tagtadii, si timaadadaaduna uga duwanaato taagantaada. Ogow haddii aanad hore u marin in aad dib u dhacayso.

Midda 5aad, waa in aad aqoonsato in horumarinta shakhsinimo iyo khibradnimo ay ka mid yihiin wax akhrinta, dhegaysashada barmaamijyada maqalka ah, ka qaybgelidda koorasyo cilmi iyo siminaaro iyo in aad qaadato fursad kasta oo aad kor ugu qaadayso aqoontaada iyo xirfadaadaba.

Midda 6aad, shayga mar walba ugu muhiimsani waxa uu yahay, adiga oo maanka ku haya in aad noqoto waxa mar walba aad ka fekerto. Intaa kadib, naftaada waxa aad si joogto ah ugu laylin doontaa in ay ku dhegto waxyaabaha ay rabto iyo inay ka go’do waxyaabaha aanay rabin.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply