MUTAYSO WAXA AAD DOONEYSO !

0
900

Waa xaqiiqo nololeed oo jirta, in aanu qofku helin waxa uu doonayo, laakiin uu helo waxa uu mutaysto ama uu u qalmo.

Lafdhabarta ihtimaamkaaga shaqo waa in ay noqoto adiga oo sameeyya wax kasta oo daruuri ah si aad u hubiso dhab ahaan in aad mudan tahay dheefaha iyo abaalmarinaha aad u qalanto. Iskuday kasta oo cadaalad iyo amaanno ka madhan oo aad samayso, si aad u hesho wax aanad mudneyn, waxa laga dhaxlaa fashal iyo wareer. Dhaqdhaqaaq kasta oo musuqmaasuq amaba dembi, fadhiidnimo kasta iyo dayac kasta oo shaqo, oo looga gol leeyahay in lagu gaadho abaalmarino aan daacadnimo lagu kasban awalkoodii horeba.

Kelmadda “Deserve” oo macnaheedu yahay “Mutayso” waxa laga soo dhiraandhiriyey laba eray oo Laatiini ah, (De iyo Servus). Labadan kelmadood oo la isku xidhay waxay la macno yihiin “From Service” oo macnaheedu yahay “ka timid adeeg”. (macnaha abaalmarintu waxa ay ka timaadaa u adeegista dadka).

Dad badan ayaa laabta u sii daayey dareenka cadhada leh ee ah in aanay u qalmin in ay noqdaan kuwo guuleysta oo barwaaqaysta. Laakiin xaqiiqatan waad u qalantaa wax kasta oo wanaagsan oo ay noloshu kuu soo bandhigto, maadaama aad si daacadnimo leh ugu kasbaneyso u adeegidda kuwa kale.

Waxa ugu muhiimsan ee aad isku mashquulisaa ha noqoto la imaanshaha sababta; natiijooyinkuna iyagaa isdabooli doona.

Shaqadaadu waa in aad siidhka beerto, noloshuna waxa ay ku siin doontaa midhaha. Hadafkaagu waa adiga oo hawshaada u qabta sida ugu fiican uguna quruxda badan; abaalmarinaduna waa ay ku daba geli doonaan iyaga oo ah natiijo xeer dhaliyey aanse ahayn wax lama filaan isaga dhashay, laakiin ahaw adigu mid u darban in uu qiimaha bixiyo.

Wax kasta oo aad taqaanno in aad aqoon buuxda u yeelataa waxay u baahan tahay billo iyo sanado farobadan oo tacab ah. Goor horeba qaado go’aan ah in aad maalgashi samayn doonto wakhtigii doonaaba ha ku baxee, si aad dulqaad ugu yeelato; uguna fiicnaato waxa aad qabato. Wax kasta oo qiime badani si uu u midho dhalo, wakhti dheer ayuu qaataa.

Dabaakh wayn oo jarmal ah oo wax ka bartay maxadka cunto karinta ee “Swiss Culinary Institute” ayaa la waydiiyay sida uu ku gaadhay in uu noqdo madaxa dabaakhiinta; waxana uu ku jawaabay sidan:

“Darajadaas gaadhisteedu waxay iiga baahatay in aan toddoba sanno wax ka barto maxadka cunto karinta ee “Swiss Culinary Institute” ee ku yaalla “Geneva”, si aan u noqdo madaxa dabaakhiinta. Waxa aan bilaabay in aan barto sida midhaha iyo khudaarta loo qolof rido. Sidaas ayaan hawsha u waday ilaa sannadkii koowaad, ilaa aan hore u mariyay fahan buuxa iyo dareen qoto-dheer oo aan u yeeshay midhaha iyo khudaarta kala duwan ee ka kala yimaadda gobolo iyo wadamo kala duwan. Sannadkii labaad, waxaan uga sii gudbay diyaarinta cuntooyinka isugu jira khudaarta iyo midhaha kala duwan. Sannado badan oo tobabar xidhiidh ahi ii socday, boqolaal saacadood waxa aan ku qaatay la shaqaynta shakhsiyaadka cuntada dhadhamiya, sameeya suugada iyo kuwa diyaariya qaababka cuntooyinka loo sameeyo iyo qaaciidooyinkooda. Todoba sanno markii ay ii dhammaatay, imtixaan adag kadib, waxa aan qalin jabiyey aniga oo ah mid kamida dadka dhammaystay cunto karinta shahaadadeeda koowaad ee (Degree) ee dunida aad looga qadariyo.

 

Intaa kadib aniga oo ku metalaya booska madaxa dabaakhiinta waxa aan si ku meel gaadh ah, arday  ahaan uga hawl galay mid kamida hudheelada yurub ugu waaweyn. Shan sanno oo kale kaddib, waxa aan noqday mid aad loogu baahan yahay; waxana la iga soo dalbanayey oo balan qaadyo farobadani iiga imanayeen Yurub iyo Maraykanka. Waxa aan takhasus u yeeshay in aan maamule u noqdo madbakha hudheel weyn. Haddiiba aanan iskay hudheel u furan. Hudheelada ugu wanaagsan ee dunidu,waa kuwa qudha ee awoodi karaayey, in ay soo jiitaan; ayna shaqaaleeyaan dadka ka soo qalin jabiyey waxa loo yaqaano, mac-hadka barashada cunto karinta ee Swiss School. Dadka qabanaya jagada madaxa dabaakhiintu waa kuwo la siiyo mushahar aad u badan; waxana ay hawlgab noqon karaan iyaga oo maaliyad ahaan isku filan.”

Dad faro badan oo maanta ganacsiga ku jira ayaa u malaynaya in ay meel sarre wax ka bilaabi karaan; korna ay u sii socon karaan. Degdeg ayaa ku jira, iskumana hawlaan in ay xirfad buuxda u yeeshaan aasaaska shaqooyinkooda. Ma asiibaan runtii in guusha wakhtiga fogi ay tahay midhaha muuqda ee keensanaya in ay ku higsadaan dedaal joogto ah iyo wanaajin ay sii wanaajiyaan waxa ay ka shaqeeyaan. Iyada oo taasi ay jirto, adigu waad hanan kartaa waxa qayrkaaba ay hanteen.

Caqligaaga waxa loo habeeyay qaab ah in aanad si daran u rabi karin hadaf xaqiijintii, adiga oo aan haysan awooddii ku gaadhsiin lahayd. Waxa aad noqon kartaa qof kasta oo aad ku riyooneyso sidiisa oo kale in aad ahaato, waa haddii aad kaliya diyaar u tahay arrintaas ahaanshaha in aad siinayso wakhti, karti iyo dedaal ku filan.

Dadka qaarkii waxa lagu manaystay hibooyin farobadan oo dabiici ah, marka loo eego kuwa kale. Waxa ay si fudud oo dhakhso badan u bartaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay xirfadi u baahan tahay, halka kuwa kale ay ku qaadato wakhti aad u badan. Kaasi waa farqiga kaliya ee jira. Kuwa raba in ay wakhti dheer ku bixiyaan barashada xirfad gaar ahaaneed, waxa looga baahan yahay ku celcelin farobadan iyo joogteyn. Taasi oo macnaheedu yahay in wakhti dheer kadib ay suurtogal kuu noqon doonto in aad xirfad buuxda u  yeelato shaqada kuu gaarka ah; taasina waxa xadidi karaysa balanta aad naftaada la gashay inta ay baaxad le’egtahay.

Xeerka joogteynta iyo ku celcelintu waxa uu yidhaahdaa, “Wax kastoo aad ku dhaqankiisa si gaara ugu celceliso marar farobadan, aakhirka waxaasi waxa uu noqdaa xirfad ama caado cusub.” Kaliya arrintu waa mid wakhtiga la xidhiidha.

Bear Bryant oo ah koojka kubada cagta ee jaamacada Alabama University, ayaa kol yidhi, “ Guushu ma aha natiijo ka dhalata rabitaanka ah in meelmar la noqdo. Qof waliba taasi niyada wuu ku hayaa. Guusha weyni waa natiijo ka timaadda rabitaanka u diyaargaroobida guusha.

Cabirka dhabta ah ee kaliya ee ku saabsan ilaa iyo inta aad duuli karayso ama aad socon karaysaa waxa uu ka kooban yahay su’aasha ah, “Sidee ayaad wax u rabtaa? Haddii aad rabto hanashada xirfad gaar ahaaneed oo baahidaada kafeyn karaysa; aadna rabto in aad ku shaqayso ilaa wakhti dheer, wax kaa joojin karaa ma jiro haba yaraato’e. Waa in aad ku dedaasho; aakhirkana waad ku guuleysan doontaa.

Guul kasta oo inaba aan caadi ahayni waa natiijo ka dhalatay kumaankun guulood oo caadi ah taasi oo qofna aanu hore u arag ama u awoodin. Libin kasta oo aad u weyni waa natiijo ka dhalatay boqolaal ama kumanaan saacadood oo si taxadar leh la isugu bixiyey dedaal, diyaargaraw, daraasayn iyo ku celcelin, taasi oo weliba dad koobani ay ogyihiin. Laakiin haddii bilawga hore aad bixiso dedaal farobadan, gebagebada ayaad goosan doontaa midhaha dedaalkaas. marka aad tahay mid si dhab ah ugu kalsoon xeerka joogteynta iyo ku celcelinta, si dhaba ayuu xeerku kuugu shaqayndoonaa. Markasta oo aad shaqayso ilaa wakhti dheer si aad figta sarre u gaadho, abaalmarinaha aad helayso gebagebaduna waxa ay noqon doonaan kuwo aad u waaweyn.

Long-fellow ayaa mar sii horeysay waxa uu qoray, “Kuwa figaha sarre koray ee ku sugmay, meelaha ay u baxeen kuma ay gaadhin hal duulimaad oo lama filaan ah. Laakiin intii ay saaxiibadood ku jireen qarqoonka hurdeed, iyagu waxa ay fananayeen habeenka mugdigiisa.”

Ugu dambayn, si aad u mutaysato waxa aad dooneyso; islamarkaana aad uga mid noqoto kuwa figaha sarre koray ee ku sugmay, fanno habeenka mugdigiisa; si adagna u shaqee.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Leave a Reply