Qurxinta Jidhkaaga ha u Isticmaalin wax kiimiko ah.

0
56

Sanadihii u dambeeyey waxa inagu soo badanaayay giriimo iyo kiimikooyin badan oo ay isku dhalan rogaan ama isku caddeeyaan Haweenkeenu kuwaas oo dhibaatooyin badan ku keena jidhkooda sida wajiga oo yeesha haaro ama cas casaan kaas oo aan u adkaysan Karin Qoroxada iyo dabka midna, hadaba waxa ay is waydiintu tahay ma jiraan ama ma la heli karaa wax aan lahayn kiimiko oo kuu qurxin kara wajigaaga iyo jidhkaaga si dabiici ah oo aan dhibaato kaa soo gaadhayn, qodobkaas  ayaan ku eegi doona qormada todobaadkan.

Hadaba waxa jira waxyaalo badan oo kala duwan oo faa,iido u leh wajiga iyo jidhka Dumarka kuwaas oo si dabiiciya u kobcinaya tusaale ahaan muuska oo aynu inta badan u isticmaalo cunitaanka ama cabitaanku waxa uu ka mid yahay waxyaalaha qarsoon ee aadka qurxiya maqaarka iyo Wajiga.

muusku wuxu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaya maqaarka dadka, kana dhigaya mid jilicsan oo dabacsan, sidaa darteed wuxu kaa cawinayaa in aad quruxdaada ku ilaaliso isticmaalka muuska.

Shirkadaha Caalamiga ah ayaa soo ban dhigay hadda in uu Muuska yahay shayga Ugu fiican Dhinaca Qurxinta Jidhkagag loo adeegsan karo (natural pant) waxana tijaabo ku sameysay shirkadaha dalka Engiriiska qaarkood.

Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo:

-Waxaad u baahantahay inaad jar jarto muuska ka dib wajiga saar mudo 20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.

ama soo qaado muus bisil ka dib ku rid weeli, kuna burburi malqacad kuna dar hal qaado oo malab ah iyo hal qaado oo liin dhanaan ah, isku qas. Wajiga iska maydh dabadeedna qalaji oo saar muuskii, liintii iyo malabkii aad isku qastay adigoo isticmaalaya faro nadiif ah, hakuu saarnaado mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo diiran  isaga maydh. Waxaa uu wajigaaga ka baabi’inayaa dhibcaha madow iyo finanka isagoo ka dhigayaa mid dhalaalaya

sidoo kale Muuska yaryaree ka dib waxaad ku dartaa saliida lawska, ka dib isku walaaq, oo timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waxa ay noqon doonaan qaar jilcsan oo dhalaalaya.

Intaa oo kaliya kuma koobna faa,iidooyinka Muuska laga helo balse waxa kale oo uu u wanaagsan yahay ilkaha waanu cadeeyaa, aan kuu sii sharaxo ee soo muuska diirkiisa sare kana dheego qeybtisa hoose adiga oo saaraya ilkahaga muddo dhan laba daqiiqo, adigoo isticmaya caday ama burushka ilkaha. Ogsoonow in in macdanta ku jirta ee ay ka midka yihiin: magnesium, calcium, iyo potassium ay qayb libaax ka qadanayaan cadeynta ilkaha……