Xukuumadda oo Amar ka soo Saartay Cidkasta oo Hub lagu Arko Ceel-afweyn iyo Cali Saahid

0
837

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):-Xukuumadda Somaliland,ayaa ciidamo kala dhex dhigtay deegaamo ka kala tirsan Gobolada Togdheer iyo Sanaag oo laba dagaal beeleed ku dhex mareen beelo walaahao ah oo wada dega Ceel-afweyn Sanaag iyo Cali Saahid Togdheer.

 

Xaaladda degaanada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo Cali Saahid ee gobolka Togdheer ayaa degan, kadib markii dorraad shaqaaqooyin ka dhaceen.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidanka Qaranka  gaysay degmada Ceel Afweyn si ay u sugaan amniga magaalada, sidoo kale degaanka Cali Saahid ee Hawdka gobolka Togdheer ayay gaysay ciidan boolis ah, kuwaas oo qayb ka noqon doona xasilinta iyo nabad kuwada noolaanshaha.

Xukuumadda Somaliland ayaa ciidamada ku amartay inay qabtaan Qofkii shacab ah ee ay arkaan isaga oo hubaysan.

Xaaladaha ka soo cusboonaaday degaanada Ceel Afweyn iyo Cali Saahid ayaa salka ku haya isku dhacyo dhexmaray beelo walaalo ah oo wada dega degaanadaas.

Inta badan aano qabiil ayaa sabab u ah dagaalada iyo shaqaaqooyinka  soo noqnoqday ee ilaa hadda aan xal rasmiya loo helin.

Ergooyin kala duwan ayaa ku maqan magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Cali Saahid, kuwaas oo ku hawlan xal u helista xaaladaha colaadeed ee ka jira degaanadaas.

Geesta kale Xildhibaan Bedel Sheekh Khaliif oo kamida mudanayasha golaha guurtida Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada ceel Afwayne ee gobolka Sanaag iyo Cali Saahid ee gobolka Tog-dheer.

Xildhibaanka ayaa baaq wado jir ah waxa uu u direy jufooyinka walaalaha ah gacan ka hadalku ku dhexmarey geedaanada Ceel afweyn iyo Cali saahid, waxaanu ka dalbadey jufooyinkaas inay go’aan ka qaataan colaadaasi oo ay aqbalaan baaqyada uga imanaya xukuumadda, Cuqaasha, waxgaradka iyo  aqooon yahanka dalka, isaga oo sheegay in miiska wada hadalada la isugu yimaado oo xal la gaadho wixii tabasho ah .

Dhinaca kalena, xildhibaan Bedel   waxa uu sheegay in ay sabab u tahay soo noq-noqoshada colaadahaasi muran xagga dhul ah.

Gaba-gabadiina, xildhibaan Baddel Sheekh Khaliif, waxa uu tilmaamay in mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland diyaar u yihiin sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas u dhaxeeya lbeelaha walaalaha ah ee Cali Saahid iyo Ceel-afweyn.

 

 

Leave a Reply