Waysadu Waa Dawo iyo Cibaado Muslimiinta Lagu Galaday Gaaladuna Imika Ayay Ogaadeen

0
683

Waysadu waa ansaxa cibaadada salaadda waana dawo iyo nadaafad jidheed iyo mid qalbiba,waxaana ku waajib ah qof kasta oo muslim ah qaan gaadh ah daahir ah oo in uu tukado shanta salaadood ee waajibka ah,iyadoo laga doonayo salaado kale oo sunneyaal ah,si uu qofka muslimka ahi u tukado waxaa waajib ah in uu dahaaro qaato  oo uu waysaysto haddii aanu biyo waayin.
Waysada ayaa ah mid u gaar ah muslimiinta oo kaliya sababtoo ah salaadu waxa kaliya ee ay waajib ku tahay ummadda Islaamka ah.
Hadaba Baadhitaano badan oo khubarada caafimaadku sameeyeen ayaa lagu ogaaday faa’iidada ku jirta waysada salaada, gaar ahaan shanta wakhti ee qofku waysaysto maalintii iyo habeenkii, in ay ku jirto faaiido caafimaad oo aad u tiro badan, kuwaasoo ay khabiiradu sheegeen in ay u fiican tahay caafimaadka jidhka oo dhan gaar ahaan wareega dhiiga.
Cilmi baadhistan oo laga sameeyay tiraba dhawr waddan ayaa lagu sameeyay dad tiradoodu gaadhayso kun iyo laba boqol oo qof kuwaasoo ah muslimiin maalin walba waysaysta, shanta salaadood, kuwaasoo ku kala nool dalalka Maraykanka, Canada iyo Sucuudi Arabia waxaana baadhistaas ka dib la ogaaday in waysaysigu wareega dhiiga qayb wayn ka qaadato.
Khabiiradan oo ka kala socday jaamacado dhawr ah ayaa markii ugu horaysay baadhitaankooda ka bilaabay dalka Maraykanka, waxaanay ku soo beegeen wakhti cimiladu aad u qabowdahay, taasoo ujeedadoodu markii hore ahayd in ay ogaadaan, heerka qabowgu gaadhsiisan yahay marka loo eego in ay waxyeelo u leedahay dadka xanuunada maqaarka iyo lafaha qaba, hasa yeeshee waxa natiijadii ka soo baxday ay noqotay mid si wayn uga duwan wixii ay filayeen.
Ninkii ugu horeeyay ee baadhitaankani ka soo bilaabmay oo ahaa nin qaba, xasaasiyada maqaarka isla markaana ka cabanayay xanuunka lafaha ku dhaca ee Romatisamka ayaa markii uu waysaystay waxa la ogaaday in heer difaaca ee unugyada cad cad ee jidhkiisu aad kor ugu kaceen, isla markaana jidhkiisu sii daayay hormoonada wareega dhiiga fir fircoonida galiya.
Nabigeeni Muxamed (NNKHA) ayaa wakhti laga joogo kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor inoo sheegay faa’iidada ay waysadu leedahay gaar ahaan, marka lagu talax tago xiliyada qabowgu jiro, taasoo danbi dhaaf, danbi nadiifin iyo ajar badan leh, hase yeeshee dhakhaatiirtu waxay imika ogaadeen in caafimaadka jidhka wax wayn ka tarto.
Biyaha ayaa wakhtiga qabowgu jiro iyo wakhtiyada kale intaba fir fircooni galiya jidhka, waxa kale oo intii baadhitaanka lagu guda jiray la ogaaday sida ay waysadu faa’iido ugu leedahay unugyada difaaca ee dhiiga iyo jidhka, waxaanay dhakhaatiirta iyo khuburadii baadhitaanka sameeyay ku tilmaameen waysada mid bedel u noqon karta dawooyin tiro badan oo loo qaato maqaarka iyo wareega dhiiga sidii looga shaqaysiin lahaa.
Mucjisadan ka soo daahirtay waysada iyo dahaarada oo wali ku jirta tijaabo ayaa natiijadii ka soo baxday noqotay mid si wayn uga yaabisay, khabiiradii reer galbeedka ahaa ee ku hawlanaa baadhitaankan oo markii hore ku bilaabmay ama ay ka doonayeen in ay dacaayado iyo warxumo tashiil u sameeyaan waysada, isla markaana ay doonayeen in ay ka helaan, waxyaabo iin ku noqon kara, hasa yeeshee natiijadii kaga soo baxday noqotay mid ay afka ka qabsan kari waayaan, ugu danbayntiina ku tilmaameen mid  lagaga maarmi karo  dawooyin tira badan oo caafimaad ahaan loo isticmaalo.

Leave a Reply