Qooqaneey Miyaanad Ogayn In Aad Reer Dhan Caano iyo Calaf-ba u Tahay

0
2345

Anigoo  tix raacaya war-saxaafadeedkii ka soo baxay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ee uu soo saaray 09/09/2014,kaasoo uu kaga  hadlay dagaal ka dhan ah Xukuumadda Somaliland oo uu iclaamiyay

Hadaba Axmed Muumin Seed wuxuu iclaamiyay dagaal  lagu qaado Qaranka Somalilad,waxaanay Soomaalidu ku maah maahdaa. (Hadalna la kala odhan og,ALLENA lakala baryi og) sida taariikhda ku suntan ninka dagaalka ku baaqayaa maaha nin hal maalin is dhex taagay goob dagaal.

Axmed Muumin Seed waxaa uu si cad cagaha ula galay dhiigo marka   la eego   waxa uu ku baaqay oo ah colaad uu dalka ka hurinayo iyo kala qaybin bulshada reer Somaliland ah.

Waxaana hore loo ogaa markii Cali Galaydh isku caleemo saarayay Saaxdheer in Axmed Muumin Seedna uu Boorame ka dhex waday kicin dadweyne,waxaanu la ficil yahay tallaabooyinka uu ku kacayaa Qaran dumisnimada ina Galaydh.

Meesha uu doonayo in dagaal lagu qaado oo lagu kala tagaana waa kursiga Madaxwynaha iyo ku-xigeenka ee  hoggaanka  Waddani ku soo socdaan.

Hadaba waxaan leeyahay Axmed Muumin Seed u ekidaa Hashayadii  Qooqan ee koramada ku dhex jirtay ee siday awrta ugu dhex jirtay dhashay, ee goor geelu soo sarooday oo ay caways tahay qooqan oo la lisayaana ay aragtay qaalinka yari hor maray ee kula boodday ee odaygii lisayay jabisay caanihiina daadisay caruurtiina qadisay ee lagu yidhi.

“Alla Qooqaneey Miyaanad Ogayn In Aad Reer Dhan  Caano iyo calafba u tahay U Tahay.”

Haddaa Axmed Muumin Seed miyaanu ogayn in uu dal dhan u yahay nin u tartamaya jagada Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Axmed waxaan leeyahay  Xisbigiina dadkii ka caydhisay adna cod ku wayday.

 By Axmed Maxamed Cabdilaahi

Leave a Reply