“Dagaal Cid Xisbiga WADDANI Kaga Itaal Darani Ma Jirto, Dagaalna Kursi Laguma Helo” “WADDANI Kama Soconayo Inuu Komishanka ay u magacaabaan Fadal, Madaxweynuhuna Xaq Buu u Leeyahay Inuu Soo Celiyo” “Doorashada Aad Leedihiin Xukuumadda Ayaa dib u dhigaysa, Idinka ayaa hor-taagan in la Ansixiyo”

0
483

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Maxamuud  Jaamac Warfaa, oo ah muddane ka tirsan   Golaha Wakiiladda ee Somaliland ayaa  jawaab adag ka bixiyay dagaalkii uu iclaamiyay  Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxaanu ku dooday inaan dagaal kursi lagu helin.

Xildhibaan Warfaa waxa kale oo uu sheegay in   aanu qof yaqaanaa dhibaatadda uu keeni karo dagaal, isla markaana aan    dagaal kursi lagu helin, hase yeeshee   kursiga lagu gaadhi karro  doorasho iyo dimuqraadiyad. Sidoo kale  xildhibaan Maxamuud ayaa ku tilmaamay dhawaaqa uu Axmed Muumin Seed  ee ku aadan   in madaxweynuhu raysal wasaare magacaabay   xaaraan iyo gef badheedh ah, isla markaana ah been abuur aanay waxba ka jirin.

Maxamuud Jaamac Warfaa, oo shalay magaaladda Hargaysa ugu waramay warbaahinta ayaa ku eedeeyay xisbiga  mucaaradka ah ee WADDANI  inuu ka cago jiidayo, isla markaana uu   diidan yahay in la ansixiyo xeerka diiwaan gelinta muwaadiniinta oo muddo saddex todobaad ah horyaalla  guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladda.

Waxaanu tilmaamay in guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee aqalka Wakiiladdu   ay u badan yihiin xisbiga WADDANI, kuwaasi oo uu sheegay in  ay doonayaan in ay dib u celiyaan xukuumadda, iyaga oo taasina u daliishanaya guddi hoosaadka dhaqaalaha ee wakiiladda  oo markii loo soo gudbiyay  miisaaniyadda dawladda dib u celiyay.

Xildhibaanku waxa kale oo uu   sheegay in xisbiga WADDANI uu mar kasta dawladda ku eedeeyo in ay dib u dhigayso doorashadda hase yeeshee iyada oo ay dawladdu soo diyaarisay xeerarkii diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha hadana  uu xisbigoodii   hortaagan yahay in xeerarkaasi loo gudbiyo golaha wakiilada si ay u ansixiyaan.

Isaga oo arrintaasi ka ahdlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha doorashooyinka xeerarkoodii  oo baryahanba yaalay golaha wakiilada,  gacantana ay ku hayeen guddi hoosaadka  arrimaha guduhu muddo saddex todobaad ah,  welina aan loo soo gudbin golaha,  iyadda oo xisbiga WADDANI   danaha uu ka leeyahay xeerkaasi isaga  ah aan la ogayn, xukuumaduna  saddex todobaad ka hor soo gudbisay oo ay ahayd in la horkeeno golaha si loo ansixiyo, arrinta xeerkaasi waxa ay maraysaa gudidda arrimaha guddaha oo uu xildhibaan Rayte gudoomiye u yahay in ay mudadda intaas le’eg haystaan, maantuna (shalay) ay ugu danbayso in cod ay u qaadaan gudidda arrimaha guduhu  ka dibna madaxweynaha dib loogu celiyo si uu xeerkaasi meesha uga baxo ama u dhinto ama uu muddo u qaato, arrintaasi waan iftiiminayaa oo xeerkaasi waxa uu hor yaalaa gudidda arrimaha gudaha, maanta (shalay) ayaana  la doonayaa in cod loo qaado, dabadeedna dib loo celiyo arrintaasina waa sharci darro, shuruucdana kuma qorna, waxay se u daliishanayaan gudidaasi markii gudidda dhaqaaluhu miisaaniyadda  dib ugu celiyay dawladda, laakiin sharci  ma aha taasi in ay daliishadaan”.

Waxaanu intaasi ku sii daray “Xisbiga WADDANI  isaga ayaa mar walba ka hadla in xukuumadu dib u riixayso doorashooyinkii iyo diiwaangelintii codbixiyeyaasha, waxaanan leeyahay xukuumadu waa u diyaar,  xeerkiina way soo gudbisay dawladu waxaana laga markhaati yahay in xeerkaasi  uu  xisbiga WADDANI  dib u hayo, oo ay gudidda arrimaha gudaha oo xisbigaasi u badani ilaa imika horkeeni la’yihiin golaha si loo ansixiyo.  Sidaas darteed, waxaan u iftiiminayaa umadda in aan  marnaba xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu aanay arrintaasi masuul ka ahayn u jeedadda ugu weyn ee ay dawladu leedahayna ay tahay doorashooyinku inay wakhtigoodii qabsoomaan” ayuu yidhi xildhibaanku.

 Xildhibaan Warfaa, mar uu ka hadlayay  arrinta uu guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ku sheegay in madaxweynuhu raysal-wasaare magacaabay iyo dagaalka uu ku baaqay, waxa uu yidhi “Arrinta labaad ee aan doonayo in aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay hadalkii gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed uu ku  hadlay ee ahaa in  madaxweynuhu Raysal wasaare magacaabay, horta mar  haddii aynu dad islaam ah nahay waa xaaraan been abuurku,  madaxweyne iska dhaafe in qof hadalkiisa la bedelaa waa xaaraan, mida kale madaxweynuhu eray aanu odhan ayuu shir jaraa’id  ka qabtay guddoomiye ku xigeenka WADDANI oo uu ka dhawaajiyay in madaxweynuhu Raysal wasaare  magacaabay, qofnaba kama suurtogelayso waxaan sharciga inoogu oolin in uu yidhaahdo, markaa qofka islaamka ah hadalkiisa in la bedelaa islaamnimadda waa ku xaaraan. Mida kale ninkaasi wuxuu iclaamiyay in dagaal lala galo madaxtooyadda iyo xukuumadda, haddii la dagaalamo  cid kaaga itaal darani ma jirto, dagaal waanad aqoone kumaad deg-degteen, sidaasina kursi laguma helo, kursiga waxa lagu tagaa dimuqraadiyad iyo doorasho dagaal laguma tago, dimuqraadiyaduna waa taasi aad xeerkeedii dabadda ku haysato,  ee xeerka soo dhig golaha ha la ansixiyo, diiwaangelintii madaniga ahayd ha la qabto, tii codbixiyeyaashana ha la qabto, balse haddii aad adigu qayliso, wixii kuu suurto geli lahaa aad hor istaagto, adiga ayaa is qaribaya, iskana xumaynaya, haddii aad  wax isla hayso oo aad doorasho helaysid umalayn maayo in aad doorasho sidan ku helaysid’e  xeerka soo daa”.

 Waxa kale oo uu xildhibaanku ka hadlay afhayeenka  xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ibraahin Mahdi Buubaa oo sheegay in aanu  madaxweynuhu xaq u lahayn in uu soo magacaabaan xisbiyadda mucaaridka ah ku soo celiyo xubnaha uga mid noqonaya Komishanka doorashooyinka.

 waxaanu Md. Warfaa ku tilmaamay in xildhibaan Buubaa uu sharciga dalka iska indho tirayo isla markaana xubinta uu madaxweynuhu ku soo celiyay xisbiga Waddani oo ah Maxamed Cismaan  Fadal laga wada war-hayo inuu hore u ahaa xoghayaha arrimaha dibadda Waddani u qaabilsan isaga oo masuulkaasi dhawaan jagadaasi iska casilay.

Sidaas darteedna, aanu xubin uga noqon Karin Komishanka doorashooyinka maadaama oo uu jago ka hayay xisbiga, waxaanu xisbiga ku eedeeyay in uu dano gaar ah ka leeyahay sababta  ay gudi hoosaadka arrimaha guduhu mudadda bisha ku siman golaha ugu soo gudbin waayeen xeerkaasi.  “Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, waxa uu yidhi  madaxweynuhu xaq uma leh in uu soo celiyo xubnaha mucaaridku soo magacaabaan ee  la doonayo in ay Komishanka doorashooyinka  galaan,  waxa hore loo  yidhi Alle doori afkana wuu yaqaan   waana ka ag-naane, ma filayo xildhibaan Ibraahin in uu dalka ka maqnaa, ee wuu joogay, laakiin marka aad is indho tiraysid waa mid subxaanalle, madaxweyne Rayaale intaas oo qof ayuu soo celiyay, mida kale madaxweynaha sababta  loo marinayaa gudidda cusub ee doorashooyinka  in uu shaandheeyo ayaa la doonayaa, sharcigu wuu u ogol yahay madaxweynaha, waanu siinayaa awoodaasi, Daahir Rayaale wuxuu soo celiyay Maxamed Xaashi, ilhaan Maxamed Jaaamc iyo  Xasan Siciid, intaba wuu soo celiyay, waxaana    la yidhi waxay raacsan yihiin xisbi mucaarid ah, mida kale haddii aad Maxamed Cismaan Fadal u meel deyaysid kaa socon maayo Fadal, waayo annaga ayaa Komishanka la shaqayn jirnay oo aniga iyo   Fadal  Komishanka ayaanu wada joognay oo xisbiyadda u qaabilsanayn, anigu  Kulmiye ayaan u joogay isna WADDANI  ayuu joogay, oo miiska ayaanu wada fadhiyi jirnay, dooduna si wanaagsan ayay noo dhex mari jirtay. Markaa maanta in la yidhaahdo Fadal ayaa Komishankii la gaynayaa oo xisbiyadda dhex u ahaanaya macquul ma aha, taana in aad cid ku eedaysid ma aha, madaxweynuhuna isaga ayaa taasi xaq u leh, oo qofka uu u arko in aanu dhex ahayn wuu soo celinayaa” ayuu yidhi mudane Maxamuud Jaamac.

 Dhinaca kale Xildhibaan Warfaa ayaa u soo jeediyay madaxweynaha in xubnaha gudidda doorashooyinku lagu soo xulin iyada oo la raacayo qaab beeleed, balse qofka lagu texgeliyo aqoontiisa, kartidiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa. Waxaanu yidhi “Madaxweynaha mid baan ka codsanayaa arrintaa Komishanka la bedelay ee cusub, waxaanan leeyahay madaxweyne ma aha Komishanka doorashooyinka in ay reero gaar ahi yeeshaan oo la yidhaahdo kaa reer hebel ayaa leh, reer hebelna kaasi ayay leeyihiin, umaddu waa u dhex, markaa madaxweyne cidii aqoonteeda leh, oo kartideeda leh, ee daacadnimadeeda leh in la geeyo weeye, laakiin in lagu soo xulo reer hebelna koodii ha keenaan, reerkaasina koodii  ha keenaan, arrintaasi madaxweyne adigu maad bilaabin oo way jirtay balse waa mid qaldan, ee wax ka qabto.”

By: Khadar C.Muuse

Leave a Reply