Waa In Sharciga La Horkeenaa Axmed Muumin Seed

0
677

Waa in aan hebel waa siyaasi oo waxa uu ka tirsan yahay xisbiyadda mucaaridka ahi aanay xijaab uga noqon qofka in la gole keeno oo sharciga uu qaranimadda wax u dhimo lagaga tagin inuu dhawrsanaan ku helo xisbi-yahanadda.

Waxa aad loola yaabay war-saxaafadeed uu Guddoomiye Ku xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed ka jeediyay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, waxaanu  ku baaqay in dagaal lagu dhinto lagu qaado xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Muxuu dagaal ka garanayaa Axmedkan shalay iska yimid ee ka faa’iidaystay nidaamka dimuqraadiyadda wadanka ka hano-qaaday.

Ninkaasi waxa uu ku hadlay wax dheg xumo inteeda leeg u soo hoysay xisbigiisa WADDANI, waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumadda ku jiraan dad xagjir ahi isagoo isaga laftiisu hilmaansan in wadaada farta lagu go’do kuwa u waaweyni ay udub dhexaad u yihiin xisbigiisa.

 Waxaan soo jeedin lahaa in hadalkaasi deel qaafka ah lagu maxkamadeeyo Axmed Muumin Seed, oo sheegay in loo baahan yahay in dagaal lagu qaado xukuumadda. Waxa kale oo uu ka been sheegay in uu ribeeyay madaxweynaha oo uu yidhi waxa uu magacaabay Raysal wasaare aan sharci ahayn, Axmed Muumin Seed waxa uu ku gafay dawladnimadda Somaliland, caqliga dadka reer Somaliland, waxaanu istaahilaa in sharciga la soo taago oo la weydiiyo waxa uu caddeymo u hayo eedahan been abuurka ah ee uu fagaareyaasha la soo istaagay.

Idiris Meecaad Cali

Boorame/Somaliland

 

Leave a Reply