Arabsiyo: Dooxa Huluuq Oo La Tagay Laba Baabuur iyo Tiradda Dadka La Waayay

0
447

Arabsiyo(Dawan):- Dooxa Huluuq oo dhinaca barri mara magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley  ayaa xalay fiidkii  qaaday laba baabuur oo mid ay saarnaayeen sideed qof , halka ka kalena uu ahaa gawaadhida qaadka, sida uu xalay noo xaqiijiyay Maayarka degmadda Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax.
“Labada Baabuur oo kala ahaa  gaadhi qaad oo ay leedahay shirkadda qaadka ee 522,   waxaa saarnaa sideed qof,  waxaanu soo badbaadinay 7 qof oo ka mid ah dadkii gaadhigaa saarnaa waxaana maqan oo imika la la yahay nin ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadka ee 522 oo lagu magacaabo Nakajax Cali Dheere,gaadhiga labaadna waxaa uu ahaa Noha,  waxaana saarnaa sadex qof waxaanan ka soo badbaadinay laba ruux, gaadhigaana waxa  illaa hadda aan  la hayn oo aanu raadinaynaa dirawalkii waday oo la odhan jiray magaciisa  Muhtaar,”ayuu yidhi Maayarka oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska DAWAN.
Maayerka degmada Arabsiyo waxaa kale oo uu farriin adag u diray dadka gaadiidka wata oo uu sheegay in aanay ahayn masuuliyaddu in ay dadka ku biimeeyaan dooxyda Xiliyadda daadku  marayo,waxaanu yidhi  “Labadii gaadhi ee uu daadku qaaday way baaba’een  waxaanan u soo jeedinaynaa dadka gaadiidka wadayaasha ka ah  in ay masuuliyadda dadka ay sidaan eegaan oo aanay dooxyadu marka ay socdaan aanay ku biimayn,ciidanka booliskana waxaan farayaa in ay kaantaroolada ku celiyaan gaadiidka oo aanay cidina gudbi Karin inta dooxyadu socdaan.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay gurmadka ay u sameeyeen dadkii ay soo badbaadiyeen oo uu sheegayu in ay dab u shideen oo ay imika xaaladoodu fiican tahay.“Dadkii aanu soo badbaadinay dab,ayaanu u shidnay oo cunto kulul ayaanu siinay dharkiina waa laga wada bedelay imikana wey fiican yihiin xaaladoodu,”ayuu yidhi Maayarka Arabsiyo.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply