Gabadh ninkeedii oo ay arkayso si lama filaana libaax badeed ugu hor cunay

0
483

Lamaane reer Australia  oo ku dabaalanaayey bada ku taala xeebta lagu magcaabo Byron Bay ayaa ninkii libaax halkaasi ku cunay iyada oo gabadhii arkayso,taas oo naxdin ku abuurtay dadkii halkaasi ku dabaalanaayey,waxaanay dadkaasi noqdeen kuwo yaaca iyo kuwo  naxdintii fadhiista.
Dadka xeebtan ku dabaalanaayey ayaa tilmaamay in aanay weligood ku fikirin inay tan oo kale ka dhacayso xeebtaasi,sidoo kalena gabadha ayaa tilmaantay inay aad uga naxday waxa dhacay,iyada oo sheegtay in aanay marna is odhan midkiin ayaa halkan noloshiisu ugu dambaynaysaa.
Gabadhan ayaa daawanaysay markii uu libaaxaasi baddu cunaayey saygeeda,iyada oo taagnayd xeebta baddaasi,waxaanay daawanaysay ilaa dhamaadkii.
 
Waxa sidoo kalena dhacdadan oo kale la kulmay nin u dhashay dalkaasi Australia oo da’aahaan gaadhaayey 50 sanno jir,waxaana cunay libaax badeed  dherer ahaan gaadhaayey ilaa 2m,ninkan ayaa waqtigaasi ciyaaraayey ciyaaraha badda lagu ciyaaro ee mawjadaha la raaco,waxaanu ku sugnaa xeebta Byron taas oo ah meel aad muhiim ugu ah dalkaasi Australia,waana xeeb inta badan laga helo dadka dalxiiska ku yimaada dalkaasi siday qortay jariirada Daily Mail.
 
Ninkan ayaa dibada xeebta usoo baxay kadib markii uu libaaxaasi dhaawac halis ah u geystay ,waxaanu waxyeelo weyn uga geystay lugtiisa midig,waxaana lagu guuldaraystay in la badbaadiyo,waxaanu markii dambe u dhintay dhiig bax.
Ciidamada xeebaha ayaa xidhay muddo ku siman 24 saacadood,waxaana laga dalbaday dadka in ay ka fogaadaan halkaasi,iyada oo waqti yar kadib  u libaaxaasi weerar kale soo qaaday ,lagumana guulaysan in la dilo ,isaga oo ahaa nooca aadka u dheereeya sida dhakhsaha ahna biyaha u gala.

Leave a Reply