Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
735

Daraasad ay dhowaan samaysay barta internet-ka ee lagu magcaabo Globalfirepower oo ah mid ka faaloota awooda caalamka ee dhinaca ciidamada ayaa soo saartay warbixin dheer oo ay ku soo bandhigtay ciidamada wadamada carabta ugu awooda badan ,gaar ahaana 10 wadan ee dalalkaasi ugu awooda badan dhanka ciidamada.
Warbixintan ayay ku sheegtay kuna soo qaadatay inta ciidan ee ay ka kooban yihiin wadamadaasi ,sidoo kalena baaburta ciidamada ee ay lee yihiin ,waxa kale oo ay soo qaadatay tacliinta ay ciidamadaasi lee yihiin.
Wadamada ay soo saartay ciidamadooda iyo awoodooda waxa kamid ahaa :-
1:Masar:wadanka Masar oo ah wadan carbeed kuna yaala qaaradan Afrika ayaa kaalinta kowaad ka gashay wadamada ugu awooda badan wadamada carabta,isaga oo noqday wadanka 13 dhinaca awooda caalamiga ah, iyada oo lagu sheegay lambarka shaqaalaha ciidamadaasi inay gaadhaan 468 thousand oo dagaal yahan.
Halka kuwa kaydka ahna lagu sheegay inay tiro ahaan noqonayaan ciidamo dhan 479 askari, dadka sida caadiga ah ugu shaqeeya ayaa iyaguna noqonaaya tiro ahaan 35 million oo qof.
Sidoo kalena taangiyada ay lee yihiin ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan tiro ahaan ilaa 4487 taangi oo kuwa dagaalka ah ,kuwaas oo aad loo soo casriyeeyey,waana kuwo intooda badan uu dalkaasi Maraykanku ku caawiyey ama ka iibiyey ,iyada oo ay jiraan kuwo dalkaasi Ruushka laftiisu ka iibiyey kuna caawiyey.
Gaawaadhida gaashaaman ee ciidamada dalkaasi Masar ayaa iyagana lagu sheegay inay gaadhayaan 9646 gaadhi,kuwaas oo ah kuwa gaashaaman,waana kuwo lagu geli karo dagaalo kasta oo adag ,siday sheegeen kooxdani.
Lambarka diyaaradaha ee dalkaasi Masar ayaa iyaguna noqonaaya tiro ahaan 863 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka,kumana jiraan kuwa Helicopters-ka loo yaqaana ,noocanina waa kuwa miiga loo yaqaano.
Diyaaradaha Helicopters-ka loo yaqaano ayaa iyaguna tiro ahaan noqonaaya 200 oo diyaaradahaasi ah ,waana kuwo casri ah ,iyada oo ay jiraan kuwo dhowaan uu siiyey dalkaasi Maraykanku,iyada oo lagu xoojinaayey ciidamada dalkaasi .
Maraakiibta bada hoos marta ayaa iyagana lagu sheegay inay gaadhayaan tiro ahaan 4 markab oo nooca bada hoos mara ah.
Lacagta dhigaalka ah ee ku baxda ciidamadaasi ayaa iyaduna noqonaysa $4.1 billion oo dollar-ka Maraykanka ah ,waana kharashka ugu badan ee dalkaasi ka baxa.

Leave a Reply