Nin tuuga oo ciidamada Nabad-gelyadda majaajilo kaga baxsaday

0
522

Ciidamada amaanka ee  gobolka Iowa oo kamid ah dalkaasi Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay nin tuug ah oo hore uga baxsaday,kadib markii uu ku jeediyey majaajilo uu u dhigay,isaga oo waxyaalaha uu sameeyey iyo siduu u sameeyey ku sheegay boga uu  facebook-ga ku lee yahay, ninkan oo lagu magcaabo Andrew Bolden ayaa da’diisu tahay 31 sanno jir,waxaanu xaday meel dukaan ah oo ku taala magaalada lagu magcaabo De Moines 26 bishii April ee ina dhaaftay, waxaanu dukaankaas ka xaday qalab ku laydhka ah oo qiimohoodu gaadhaayo  $850 oo dollar, kadibna waxa uu  jeediyey una majaajileeyey ciidamadii amaanka ee halkaasi ku sugnaa, isaga oo ku guulaystay inuu ka baxsado sida lagu daabacay wargeyska Dail News oo Maraykanka kazoo baxa.
Kadib markii uu falkaasi fuliyey waxa uu ku qoray warkan qaybta ay ciidamada amaanku ku lee yihiin aalada Facebook-ga,waxaanu ku yidhi qoraalkiisaas “waxaan fuliyey fal aan ka geystay meel dukaan ah,kadibna waan cararay,waxanaan jeediyey ciidamadii amaanka ee ilaalada meesha ka ahaa markii ay isku dayeen inay I qabtaan”.
Intaas kadib ayaa taliyaha ciidamada ee magaaladaasi arkay waxyaalaha uu ninkaasi qoray,kadibna waxa dib loo raacay kamaradaha amaanka ee dukaanka ku xidhnaa,waxaana la ogaaday inuu ninkani falkan geystay,iyada oo lays dhinac dhigay haalkiisa iyo wixii dhacay,waxaana laga dalbaday inuu isasoo dhiibo,muddo kadibna waa la soo qabtay,kadib markuu amarkii diiday.
 
Dukaanka uu xaday ninkani ayaa loo yaqaanaa Sears waana mid ku caana iibinta qalabka kala duwan ee laydhka,sidoo kalena ninkan ayaa lagu helay dambiyo hore oo uu geystay ,iyada oo la marin doono xeerarka u yaala dalkaasi ee ciqaabta martabada labaad,iyada oo aanu falkani ahayn kii ugu horeeyey ,waxaana jiray kuwo hore oo falal noocan oo kale ah geystay bogaga facebook-gana kusoo bandhigay ,kadibna isa soo dhiibay iyo kuwo lasoo qabtayba.
 

Leave a Reply