“Waa Ayaan Darro In Mucaaridku ay Qaadacaan Diiwaangelinta Muwaadiniinta, Maalintii Xigtay Markii Dawladaha Cadowgeenu Hadleen”

0
519

Hargaysa (Dawan): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE ahna Mudane ka tirsan golaha wakiiladda Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo,  ayaa nasiib darro ku tilmaamay in axsaabta mucaaridka ahi ay qaadacaan diiwaangelinta madaniga ah, isla markaana ay wax lala yaabo tahay in xisbiyadda mucaaridku ay ka soo horjeedsadaan wixii cadaynayay Somaliland-nimadda.
 
Waxaanu sheegay in xisbiyadda mucaaridka ah oo mar walba ka hadla in xukuumadu ay dib u dhigayso doorashadda, haddana ay iyaga laftoodu ka hor imanayaan habkii iyo hanaankii lagu gaadhi lahaa in doorasho xor iyo xalaal ahi ay dalka ka dhacdo, isla markaana qaadacaadoodu ay muujinayso in carqaladaynta doorashadu ay ka imanayso xagga mucaaridka.
 
Xildhibaan  Maxamed Xaaji Yuuduf Waabeeyo,  oo xalay khadka telefoonka ugu waramayDAWAN, isaga oo joogay magaaladda Hargeysa, Waxa uu tilmaamay  in haddii  wax isbedel ahi uu ku yimaado wakhtiga la qorsheeyay in doorashadu dhacdo inay masuuliyadeedaa leeyihiin xisbiyadda mucaaridka ah, isla markaana  aanay ka masuul noqon doonin xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa midna.Sidaasi darteedna ay mucaaridku taasi ogaadaan.
 
Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee KULMIYYE Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa ayaan darro in ay xisbiyadda mucaaridka ahi ay qaadacaan diiwaangelinta muwaadiniinta, inay diidaan diiwaangelintii loogu tallo galay in qofku ku qaato kaadhka cadaynaya Somaliland-nimadiisa  waana wax lala yaabo, dunidda oo dhammi waxay bixisaa aqoonsi, waxaana ka jirta dunida in qof aan lahayn kaadhka dhalashada  ee aqoonsiga jinsiyadiisa in aanu codaynta doorashadda geli Karin. Markaa arrintaasi waa nasiib darro in ay diidaan in dadku qaataan aqoonsigii Somaliland-nimadda, oo la cadeeyo qofka Somalilanderka ah iyo qofka aan ahayn, in xisbi mucaarid ah oo madaxweyne-nimo doonayaa  uu qaadaco anigu ayaan darro ayaan u arkaa. mida labaad waxay xisbiyadda mucaaridka ahi ku cawdaan, oo ay had iyo jeer ka hadlaan  in dawladu dib u dhigayso oo ay  carqalad gelinayso doorashada, waxaanay iyagii ka hor imanayaan habkii iyo hanaankii lagu gaadhayay in doorasho xor iyo xalaal ah la galo, taasi oo ka turjumaysa in iyaga laftooda xagooda uu ka imanayo dib u dhigista iyo carqalayntaynta doorashadu, waxaanan aaminsan nahay in ay xagooda ka imanayso maadaama ay diidayaan hanaankii lagu gaadhayay in doorasho ay dhacdo.”
 
Dhinaca kale xildhibaan  Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeyo, mar wax laga waydiiyay in wax xidhiidh ahi uu ka dhexeeyo dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo  dhawaan sheegtay in aan diiwaangelinta iyo doorashooyinka midna ka dhici Karin goboladda barri ee Somaliland oo ay sheegeen in ay yihiin dhul lagu muransan yahay iyo qaadacaadda mucaaridka Somaliland ee diiwaangelinta madaniga ah, waxa uu ku jawaabay.
“Arrimaha isku soo beegma way dhici kartaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo, waanay dhici kartaa in aanu xidhiidh ka dhaxaynin, laakiin laba jawaabood ayay kala leeyihiin dawladda Soomaaliya iyo mucaaridkeenu.  Dawladda Soomaaliya waxaan leeyahay waxaa nasiib darro ah inay meel aanay xukuumin-ba oo aan gacanta ugu jirin in ay iska tidhaahdo  diiwaan gelin iyo doorasho  ka dhici maayaan, waa hadal afka laga yidhi uun, oo weliba si fudud looga yidhi, goboladda Sool iyo Sanaag bari waa dhul Somaliland ka tirsan, Somaliland ayaana gacanta ku haysa  oo xukunta, wixii ay doorasho ka hirgelinaysana iyada ayaa ka fulinaysa wixii xeerarkeeda iyo doorashooyin ah ee dadkeeda iyo dalkeeda u dan ah. Markaa in ay taasi iska yidhaahdaan iyaga oo aan waxba ka tari Karin, iyaga ayay ceeb ku noqonaysaa. Mucaaridkeena waa nasiib darro iyada oo la arkayo Somaliland dawladaha cadawga u ah inay sidaas u hadleen in maalintii ku xigtay iyaga laftoodu ay sidaa u hadlaan waa u nasiib darro ayaan aaminsanahay” ayuu yidhi xildhibaan Waabeeyo.
Xildhibaanka Waabeeyo   waxa kale oo uu ka hadlay   in xeerarka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo ka doorashooyinka oo muddo horyaala gudi hoosaadka arrimaha  gudaha ee golaha Wakiiladda ay mucaaridku sabab u yihiin in mudadda intaasi leeg loo soo gudbin waayo golaha Wakiiladda, waxa  kale oo uu sheegay   in xeerarka diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha  in doraad ay gudi hoosaadka arrimaha  gudaha isku raaceen in xeerkaasi loo soo gudbiyo golaha Wakiiladda, isla markaana  la filayo in toddobaadkan gole weynaha la horkeeno si ay u ansixiyaan.
Waxaanu yidhi  “Horta arrintaasi lafteeda wax baa ka jira, oo gudi hoosaadka arrimaha gudaha waxaa guddoomiye u ah Mudane ka tirsan  xisbiga WADDANI, xeerarkaasi muddo ayay haryaaleen guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha Wakiiladda,  laakiin nasiib wanaag aqlabiyad ayay shalay (doraad)  gudiddu   isku raaceen oo ay saxeexeen in loo gudbiyo gole weynaha Wakiiladda,   waxaana xeerkaasi la horkeeni doonaa golaha ilaa beri (maanta) oo ay shaqadooda  qaran ka gudan doonaan, laakiin goluhu waxa uu dedejin doonaa hanaanka ay ku socoto doorashadu si aanay carqaladi ugu iman. Waxa kale oo uu dedejin doonaa goluhu doorashadda oo hagaagta, waxaana laga yaabaa in xeerkaasi ay  golaha Wakiiladdu si deg-deg ah u ansixiyo iyo wixii xeerar ah ee ku  saabsan arrimaha doorashooyinka”.
 
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga talladda haya ee KULMIYE, mar uu ka hadlayay in qaadacaadda mucaaridka ee diiwaangelinta madaniga ah ay wax saamayn ah ku yeelan karto hab-sami u socodka hawshaasi iyo in kale, waxa uu yidhi  “Mucaaridku waa xisbiyo qaran,  oo dalka ka jira, markaa marka hore intii aanay arrintu noqon midi midi ku taag, waxaanu kula talinaynaa maadaama oo ay ka qaylinayaan in doorashadda dib u dhac ku  yimaado, in aanay iyaga laftoodu noqon kuwa sabab u noqonaya in doorashadu dib u dhacdo, waanan uga digaynaa, haddii imikaba ay doorashadu dib u dhacdo, oo arrimaha ay ka hadlayaan iyo qaadacadaasi ay qaadaceen oo ay timaado in hanaankii ay doorashadu u socotay  ay wax iska bedelaan, waxay noqonaysaa in cawaaqibkeeda iyo natiijada ay leeyihiin masuul-na ka yihiin iyagu,  ee aanay ka masuul ahayn xisbul xaakimka KULMIYE  iyo xukuumadiisuba, taasina  ha ogaadaan ayaan odhan lahaa mucaaridku”.
 
 
 
 
Gudoomiye Ku xigeenka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in axsaabta mucaaridka ahi ay qaadacaan diiwaangelinta, isla markaana ay wax lala yaabo tahay in xisbiyadda mucaaridku ay ka soo horjeedsadaan wixii cadaynayay Somalilandnimadda.
Waxaanu sheegay in xisbiyadda mucaaridka ah oo mar walba ka hadla in xukuumadu ay dib u dhigayso doorashadda, haddana ay iyaga laftoodu ka hor imanayaan habkii iyo hanaankii lagu gaadhi lahaa in doorasho xor iyo xalaal ahi ay dalka ka dhacdo, isla markaana qaadacaadoodu ay muujinayso in carqaladaynta doorashadu dhacdo ay ka imanayso xagga mucaaridka.
Waxa uu tilmaamay  in haddii  wax isbedel ahi uu ku yimaado wakhtiga la qorsheeyay in doorashadu dhacdo inay masuuliyadeedaa leeyihiin xisbiyadda mucaaridka ah, isla markaana  aanay ka masuul noqon doonin xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisa midna.Sidaasi darteedna ay mucaaridku taasi ogaadaan.
 
xildhibaan Waabeeyo, waxa kale oo uu sheegay xildhibaanku  in xeerarka diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha oo muddo horyaalay guddi hoosaadka arrimaha gudaha ee golaha wakiiladda la filayo in toddobaadkan gole weynaha la horkeeno si ay u ansixiyaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply