Xukuumadda Oo Shaacisay Inay Dejin Doonto Maraakiibta u Kiraysan Soomaaliya Ee ku Soo Xad-gudba Biyaha Somaliland

0
454

Berbera (DAWAN)- Dawladda Somaliland,ayaa farriin adag u dirtay  Dawladda  itaalka daran Soomaaliya iyo  calooshood u shaqayteyaal ay soo kiraysatay oo ay sheegtay in ay ku ilaalinayso bada Soomaaliya isla markaana ay sheegatay qaybo ka mid ah badda Somaliland.
Dawladda Somaliland ayaa ku adkaysatay in ay xuduudeeda ka difaacayso cid kasta oo ku soo xad gudubta oo ay Soomaaliya  si khaldan wax ugu soo sheegto oo ixtiraami weyda xuduuda baddeedda ay Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaan oo ka mid ah Xuduudaha caalamiga ah ee la wada yaqaanno.
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade, ayaa digniin adag u direy dowladda Soomaaliya oo markab ay soo kireysatay  uu ku soo xad gudbay biyaha badda  Somaliland, waxaanu caddeeyay haddii markale ay dhacdo inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland in ay dejin doonaan isla markaan tallaabo adag ka qaadi doonaan.
 
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland. iyo taliyaha ciidamada illaalada xeebaha Somaliland Sareeye Guuto Axmed Aw-Cismaan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xeebta Berbera iyagoo guudka ka saaran dooni ka mida gaadiidka ciidamada illaalada xeebaha Somaliland, waxay sheegeen in ciidamada illaalada xeebaha Somaliland ku filan  yihiin difaaca dalkooda.
“Waxaa jirta in dowlad ku sheega Soomaliya kooxda Xamar fadhidaa, inay markab ay soo kireysteen ay shalay (dorraad) soo galeen xeebaha Somaliland oo u dhow magaalada Laas-qorey, sidaa awgeed waxaanu dirnay guutadii koowaad ee ciidammadda illaalada xeebaha Somaliland oo aanu u dirney inay kormeer ku sameeyaan gaadiidka ama markabkaa badda soo galay. Waxaan jecel nahay inaan u sheego hayadaha ay Soomaliya  beenta u sheegtay ee ay ka soo kireysatay maraakiibta in haddii ay dhacdo mar dambe inay ku soo noqdaan biyaha badda Somaliland  in aanu aad u feejigan nahay oo ay ciqaab adag marin doono,”ayuu yidhi  Wasiirka daakhiligu waxaanu intaas ku daray “Waxaanu u sheegaynaa markab kasta oo soo gala xuduudda  badda Somaliland oo Soomaliya wadato in aanay xukumin Soomaaliya ee ay Somaliland xukunto xeebteeda, sidaa darteed,  waxaan u sheegaynaa hay’adaha calooshood u shaqeystayaasha  ah ee ay soo kireystaan inay ka feejignaadaan khasaare ka soo gaadha baddahayaga, waanan  dejin doonaa, waxaanan u dirnay guutadii 1-aad si ay u illaaliyaan xeebaha Somaliland.”
 
Wasiirku waxa  kale oo uu baaq u direy beesha caalamka iyo Qarramada Midoobay, inay markhaati ka ahaadaan haddii mar kale dowladda Soomaaliya ku soo xad gudubto xuduudaha Somaliland  in ay iyadu masuul ka tahay khasaaraha halkaasi ka dhasha, waxaanu yidhi “jimciyada quruumaha ka dhaxeysa iyo beesha caalamka waxaanu u sheegaynaa in dowladda Soomaaliya aanay xuduudaha dalkayaga ku soo xad gudbi karin khasaaraha halkaasi ka dhasha iyadu masuul ka tahay.”
 
Taliyaha ciidamada illaalada xeebaha Somaliland, Sareeyo Guuto Axmed Aw Cismaan, ayaa dhankiisa u digay dowladda Soomaaliya hay’adaha calooshood-u-shaqeystayaasha ah  ee ay soo kireysteen waxaanu yidhi “Waxaanu koodhka iyo koofiyada ula baxnay farriin aanu u direyno Soomaaliya oo soo hadal qaadey badaha Somaliland,in difaacayagu uu habaysan yahay oo uu sugan yahay, waxaanan u soo jeedinayaa xadgudubyada noocaasi ah inay  iska daayaan.”
 
Wasiirka Daakhiliga  iyo Taliyaha ciidamada illaalada xeebaha Somaliland, ayaa waxay kala qayb galeen dhoolatus balaadhan ay soo bandhigeen ciidanka Ilaalada Xeebuhu  iyagoo adeegsanaya doonyaha aadka u dheereeya ee ciidamada illaalada xeebaha Somaliland.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeisa office

Leave a Reply