Degmada Sheekh Oo Laga Furay Shirkad Laydh Oo Magaalada Siin Doonta Laydh Habeen Iyo Maalin Ah

0
481

Munaasibad balaadhan oo dhawaan ka dhacday gudaha magaalada Sheekh ayaa waxaa ayaa waxa si rasmi ah xadhiga uga Jaray Mashruuc Koronto oo Degmada sheekh Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyadoo ay hirgalisay shirkada Laydhka ee Beder,kaas oo shaqayn doona habeen iyo maalin .
Magaalada Sheikh ayaa ah goob muhiim ah kana mid ah deegaamooyinka taariikhiga ah ee dalkeena ku yaala, iyadoo caaan ku ah dhanka dalxiiska.
Xaflad loo sameeyay xadhig ka jarista mashruucan koronto oo ay kasoo qayb galeen, Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, Agaasimaha Waaxda Tamaarta ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta, Maayarka Degmada Sheekh,Maayarka Hargaysa iyo Maayarka Jabuuti oo Booqasho ku joogay degmada sheekh,Madaxda shirkada Beder,Xildhibaano iyo waxgaradka kale oo tiro badan ayaa waxa lagu qabtay Hoolka dawlada Hoose ee degmada sheikh.
Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale  oo xafladaa ugu horayn ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxaanu ku tilmaamay inay wax badan ka tari doonto addeegyada magaalada.
waxaanu yidhi: ”Sheekh waa xaafadaydii oo iskuulka ayaan kaga baxay,waxaana jecelahay inay sheekh horumarto,aad Baanan ugu farxay markii aan maqlay deg,madu siday markii hore laydhka ka hayd oo shirkada Beder ay maalgashi ku samayasay oo qalab casri ah keentay oo u hagarbaxday,Mashruucan ay halkan ka fulisay waxa uu gaadhayaa 800 iyo konton kw mustaqbal ahaan magaaladu markay korto way anfacaysaa,waxaa jirta dalkeen korantadu waa inagu qaaali oo shidaal bay ku shaqysaan,waxaanu juhdi ugu jiraa in alg guuro korontada shidaalka oo aynu u guuro Marawaxado dabayl ah oo hawadaa wareegaysa aynu ka  dhalino ilaa sideed meelood aby ka wadaa”.
Maayarka Degmada sheekh Maxamed C/laahi Cabsiiye oo Kelmado kooban halkaas ka yidhi waxaa hadalkiisi ka mid ahaa” shirkadu way kasoo baxday balanqaadkii oo shahaado ayaan gudoonsiinayaa,waxaan reer sheeekh u sheegayaa inaad ilaalilsaan,waayo mishiino qaaliya xadhko qaaliya ayay magaalada galiyeen sida antidiina oo kale u ilaaliya.
Maayarka Caasimada Jabuuti Xuseen C/laahi Qayaad ,Maayarka Caasimada Hargaysa C/raxmaan Maxamud Caydiid (Soltelko) ayaa iyana halkaas ka sheegay Faaidada tamarta sidoo kale waxay aad u amaaneen shirkada hawshan fulisay ee Beder.
Maareeyaha Shirkada Beder Khadar Jibriil Aadan oo isna wax qabadka shirkada ka waramaya ayaa sheegay ” Shirkada Beder waxay aasasantay 1991 oo waxay la kowasatay Somaliland,shiradu waxay sheekh timi iyadoo ay samaysay in Guri kasta oo sheekh ah ay dabka dul gayso lacag la,aan Maantana waxay Magaalada sheekh heshaa laydh habeen iyo Maalin ah ,Golaha degaanka iyo dadwaynaha reer sheekh aad bay noosoo dhaweeyeen anana Balanqaadkii waa naga haysaan,hadii aad reer sheekh tihiin Mashruucan idinkaa iska leh ee ilaashada.”.
Gudoomiyaha Shirkada Beder oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay Mashruucan ay ku bedeli doonaan Mashruuc dabayl ah si loo helo koronto tan ka jaban,maadaama ay hada shidaal ku shaqayso korontada hada jirtaa.
Agaasimaha Tamarta Eng-Saleebaan C/laahi Jaamac,Maayar kuxigeenka degmada sheekh Oday Baashe C/laahi yaasiin oo afka reer sheekh ku hadlay,Xildhibaano kale ayaa iyana dadwayanah reer sheekh ku Guubaabiyay inay shirkadan ilaashadaan maadama oo ay kasoo saartay wakhti adag oo aanay laydh heli jirin hadana ay 24 saac laydh shitaan.
Ugu danbyantiina waxaa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay,wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta, Mayaarka Degmada sheekh,shirkada laydhka iyo xubno kale oo ka qayb qaatay dhismaha shirkada Beder.

Leave a Reply