Gudoomiyaha Sariflayaasha Hargaysa Oo Soo Bandhigay Qorshe Cusub Oo Dadka Dawarsadayaasha Ah Lacagtii Ay Siin Jireen Ugu Bedelaaya Cunto

0
548

Guddoomiyaha Sarafi Layaasha Magaalada Hargaysa Maxamed Abiib Siciid ( Waaraad) ayaa ka hadlay Qawaaniin Cusub oo ay ku soo kordhiyeen lacagihii lasiin jiray Dadka Masaakiinta, Kuwaas oo uu sheegay in loogu badali doono lacagtii lasiin jiray Cuntooyin ay cunaan.
Waxa kale uu Bulshada ku dhaqan Magaalada hargaysa u soo jeediyey inaanay siin lacag dadkaas kasoo haajiray Dalkoodii,  kuwaas oo ku tilmaamay in ay yihiin qaar hanti uruursi ah.
Maxamed Abiib Siciid (Waraad) Waxa kale oo uu sheegay in ay tani noqon doonto talaabo muhiim ah oo waxa badan ka badali doonta Dadkaas kusoo Qul-qulay,Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland.
Sidoo kale waxa uu Cadeeyey In dadkaas aan lagu Xad Gudbin xuquuqda ay leeyihiin, Balse Tani ay tahay,Mid iyaga nafahood u dan waxaana uu yidhi”
Waxanu yidhi “Halkan Maanta waxaan fariin uga dirayaa Dhamaan Shacabka somaliland, waxaanan leeyahay Dadka Masaakiinta ah ee lasiinayo Lacagta halaga Daayo, isla markaas ha lasiiyo Cuntooyin kala nooc ah, Lacagtan ay Dawarsadaan iyagu naftooda Waxba uguma Qabtaan Dalkana waxba uguma Qabtaan ee meel ayay ku bineeyaan, waxaana loo baahan yahay in lasiiyo Cuntooyin, si ay dalka uga baxaan.
Guddoomiyaha Sarif Layaasha Magaalada hargaysa waxa kale oo uu bulshada Ugu Baaqay isla markaasna usoo jeediyay inaanay Dadka Ka soo Qul-Qulaya Deegaanka Itobiya Aan Lasiin Lacag, Balse loogu badlo waxa badan oo Naftooda anfici Kara.“Dadka Ajihanibka ah Waxa loo baahan yahay In aynu dalka sida ugu dhakhsaha badan Uga Baxaan Waxaana loo baahan yahay Inaan lasiin Lacagta,Dadka Marka lasiiyo Lacagta Waxa ay u diraan Dadkooda jooga Itoobiya,Waxaana ay inagu Biiliyaan Dad kale oo Shacabkooda Itoobiya ah.
Dhinaca kale waxa uu ka warbixiyay Lacagta ay Maalintii Helaan Dadka Dawarsada Iyo Dadkii Shacabka ahaa oo ka sii yaacaya Somaliland, isla markaasna ka door Biday Aafada Tahriibka waxaana uu yidhi”
“Qofka Marka ay Shacabku Siiyaan Boqol Riyaal 10kii Qofna Siiyaan Kun Riyaal, Caruurtii u dhalatay Wadankuna Ka baxeen Dalka isla markaasna u tahriibeen Dhul kale Miyaan la odhan kari Dalkiiba Waxa la wareegay Dad kale oo ajihanib ah,Waxaana loo baahan yahay in arintaas laga wada hadlo oo loo kuur galo Xaaladood, Dadka inagu soo badanayana Xukuumadu ka gashaamato,Wixii lasiin lahaana Cuntooyin loogu badalo.
Waxa uu Sheegay Guddoomiyaha Sarif layaasha Magaalada hargaysa in ay samayn Doonaan Hay’ad Samo Fal ah, taas oo Quudi Doonta Dadka Danyarta ah ee Tabaalaysan, taas oo uu sheegay in ay yarayn doonto dadka Ajihanibka ah ee maalin kasta lacagta lasiinayo,waxaana uu baaq cod dheer ah ku sheegay in dadkaas laga joojiyo Lacagta lasiinayo, taas oo uu cadeeyey in loogu badalo waxa ay cunaan.
Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu Cuntooyin iskugu jirra Timir, Muus, Buskud, Saytuun, Keeg iyo cuntooyin kale u qaybiyey dadka ka darawsada Magaalada Hargeysa.

Leave a Reply