Mobile-keedii ayay liqday si aanay u waayin Wiilka ay sheeko wadaagta yihiin

0
467

Sida lagu baahiyey  wargeyska lagu magcaabo Heraldo, dhakhaatiirta dalkaasi Brazil ayaa ku guulaystay qalin deg dega oo ay  sameeyeen kadib markii gabadh dalkaasi u dhalatay ay markeliyaata liqday mobile keedii,taas oo la yaab ku noqotay dadka dalkaasi, waxaanay qaadatay waqti badan sidii mobile kaasi looga soo saari lahaa caloosha gabadhaasi.
Gabadhan oo lagu magcaabo AdrianaAndrade ayaa da’deedu tahay 19 sanno jir,taas oo si lama filaan ah deg degna ah u liqday mobile kaasi kadib markii gabadh xidhiidh ka dhexeeyey uga shakiyey inay gabadh kale xidhiidh la lee dahay,waxaanu gabadhkaasi weydiistey gabadhaasi inuu baadhitaan ku sameeyo fariimeheeda ,sidoo kalena tix raaco wada hadalada ay samaysay,taas ayaana keentay inay liqdo mobile kaasi ,iyada oo doonaysay inay qariso fariimahaasi ku jiray,waxaanay taasi sababtay xaalad caafimaad oo khatar gelisay nolosheeda.
Gabadhan ayaa sheegtay inay doonayso inay sii wado xidhiidhka ay gabadhkaas la lee dahay ,iyada oo ku ilaalinaysa qiime kasta oo uu ku kacaayo,iyada oo ka hadlaysana waxay tidhi “waxaan u maleeyey in xidhiidhkayagu xumanaayo kadib marka uu akhristo waraaqaha ku jiray mobile kayga,waana mid dhaawici karaysay”.
Dhakhaatiirta dalkaasi Brazil ayaa ugu dambayn ku guulaystay qaliinkaasi ay sameeyey kadib inay Mobile-kaas kasoo saaraan caloosha gabadhaasi yar.
 

Leave a Reply