Shirkada Hass petroleum oo ka mid ah shirkadaha dalka keena Shidaalka ayaa shaacisey inuu dalka soo gaadhay shidaal ay leedahay shirkadu.
Gudoomiyaha shirkada Hass petroleum Somaliland Cabdirasaaq Ibraahin ayaa warar uu warbaahinta Maxalliga ah qaarkood siiyey ku sheegay in markab shixnad shidaal ah sida oo u raran shirkadooda HASS soo gaadhay dekeda Berbera.
Gudoomiye Cabdirisaaq Ibraahin ayaa ku dooday inaau jiriin wax shidaalo oo shirkada Hass ka kala go’ay balse ay kaydinayeen ama xaalad tashiil galeen. Sidoo kale wuxuu sheegay inaanay shirkadooda HASS wax lacaga ku kordhin qiimaha shidaalka oo beryahan danbe kacsanaa iyagoo eegaya ama qadarinaya haynta bulshada ay u khidmeeyaan ayuu intaas ku daray.
Shidaalka nooca la yidhaahdo patrol-ka ee ay isticmaalaan Tagaasida iyo Gaadiidka yaryar ee gaarka loo leeyahay ayaa mudooyinka danbe qiimihiisu sare u kacay,Kaalmaha shidaalka Hargeysa ayaa ku iibinayey halkii Litir hal dollar iyo badh ($1.5).
Home Barnaamijyada Shirkada Hass Petrolium Oo Dalka Keentay Shiidaalka Patrol-Ka Oo Suuqyada Gabaabsi Ku...