“UCID iyo WADDANI Ma Hayaan wax ay ku Kasbadaan Dadka, Haddii ay Hayaan Barnaamij Siyaasadeed Hore Ayay u Soo Bandhigi Lahaayeen”

0
454

“Mucaaridku  Ma aha in   Dhawaaqa  Xamar ka Yeedhaya iyo Koodu  Isku Ekaado”

“Madaxweyne Siilaanyo  kalsooni ayay ku qabaan dadweynaha  Somaliland, Waxaanan Qabaa inuu codka shicibka helayo 70%” Xildhibaan Bukhaari

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari),  oo ka tirsan mudaneyaasha golaha  Wakiiladda ee Somaliland  ayaa sheegay in labadda xisbi mucaarid ee WADDANI  iyo UCID ay ku fashilmeen in ay umadda u soo bandhigaan barnaamijkoodda siyaasadeed. Waxa  kale oo uu tilmaamay  xildhibaanku in dhawaaqii xisbiyada mucaaradku ku qaadaceen diiwaan-gelinta madaniga ah in uu la mid yahay hadalkii dawladda Soomaaliya ku sheegaysay in aan wax diiwaan-gelin ah  laga qaban karin gobaladda bariga Somliland.

Xildhibaan Saleeban Cawad  Cali  (Bukhaari), oo shalay u waramay DAWAN, waxa uu sheegay in xeerarka diiwaan-gelinta madaniga ah iyo ka codbixiyeyaashuba ay sifo sharci ah ku yimaadeen golaha Wakiiladda, isla markaana ay xukuumadda iyo komishanku  u soo gudbiyeen si ay u ansixiyaan.

Saleebaan Bukhaari, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi   “Labadda xisbi mucaarid  ee UCID iyo WADDANI haddii ay hayaan barnaamij siyaasadeed oo wax qabad,  oo ay dadka ku kasbanayaan iyagaa wakhti hore soo bandhigi lahaa,  oo  ma hayaan wax ay ku kas-badaan dadka,  oo budh ayay sitaan dadkuna iyaga oo xor ah ayay codka bixiyaan.   labadda xisbi mucaarad ma aha inay  dhawaaqa Xamar ka yeedhaya iyo koodu  isku ekaado,  oo haddii ay diidaan oo ay qaadacaan diiwaan-gelinta madaniga ah oo Xamar-na ay tidhi diiwaan-gelinta lagama qaban karo gobaladda bariga, maadaama ay  sidaa leeyihiin xisbigii ku raacaa waxa uu noqonayaa in ay isku mid yihiin.  markaa waxaan uga digayaa mucaaradka in dhawaaqoodu u ekaado ka cadowga Somaliland.”

  Saleebaan Cawad Cali Bukhaari,   waxa kale oo uu tilmaamay in aanay suurta gal noqonaynin in doorashooyinka soo socda lagu galo iyadoo aan la hirgelin  diiwaan-gelinta madaniga.  “Xeerka diiwaan-gelinta madaniga ah  iyo ka cod-bixiyayaashu,  waxa uu ku yimid golaha Wakiiladda   sifo sharci ah oo waxa uu ka yimid xukuumadda,  oo komishanka doorashooyinka ayaa u soo gudbiyay, waxaanan ku talinayaa si dadka muwaadiniinta  ah ee   Somaliland xuquuqda ku lihi ay u codeeyaan doorashooyinka waa lagama maarmaan in uu noqdo qofka codaynayaa muwaadin  u dhashay Somaliland,  helana dhalashadda muwaadin-nimadda taas ayaaana  ii muuqata,  ka dibna qofkaasi xaqa doorashadda,  caafimaadka,  waxbarashada iyo madax-nimadda in uu yeesho ayaa ii muuqata. laakiin iyada oo la is-huwan yahay in la yidhaahdo doorasho hala gallo,  waa fawdo oo waxa meesha ka baxaysa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,”ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.

 Xildhibaan Bukhaari, ayaa sidoo kale waxa uu inshaaray in ay iska cadahay in xukuumadda talladda ahaysaa ay ku   ku guulaysan doonto doorashadda madaxtooyadda ee soo socota,  taasi oo uu ku sababeeyay wax-qabadka ay  muujisay, “Soomaalidu waxay ku maah maahdaa kor waayeel  waa wada indho,  maanta shacabka Somaliland ayaa qiimaynaya wax-qabadka xukuumadda,  ee looma baahna qaylo iyo dam-dam,  waxa keliya ee la arkayaa waa wax-qabadka daacad-nimadda dhaqaalaha iyo miisaaniyadda korodhay,  ardayda dugsiyadda ee lacagta laga daayay,  wadooyinka la samaynayo,  ciidamadda qaranka ee la xoojiyay, markaa shacabku waxaas ayay ku dooranayaan,  Siilaanyo-na kalsooni ayay ku qabaan dadka Somaliland,  waxaanan qabaa barigii hore waxa uu helay boqolkiiba konton codka  maanta waxa uu helayaa boqolkiiba toddobaatan,  waana sababta mucaaradka ka qaylisiisay ee ay budhka weyn qoorta  ugu sitaan.” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari.

By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply