Sida aya cadaysay daraasad cusub oo laga soo saaray dalka Maraykanka , taasi oo ay soo bandhigeen khubaro caafimaad oo aqoon u leh cuntada iyo nafaqada ay cadeeyeen in cuntada milixda leh ay sanadka kasta sababto kumaanan xaaladood oo dhimasho.
Cilmi baadhayaasha ayaa kula taliyay dadka in qaadashada cusubada iyo milixda la yaraysto.
Waxayna warbixintu sheegtay in nus malyuun qof u dhiman doonaan sanadada soo socda milixda badan. Milixda ayaa inta badan keenta sida ay warbixntu cadaysay xanuunada wadanaha, keliyaha, dhiig karka iyo iyadoo dhibaataysa shaqada maskaxada. Badsashada cuntada milixdu ku badan tahay ayaa inta badan keenta geerida degdeg ah sida ay warbixintu sheegtay taasi oo ay ku sameeyeen baadhis cilmi baadhayaashu qaaday tijaabad caafimaad.