Dumarka Xijaabka Xidhan Oo Ka Caafimaad Badan Kuwa Kale

0
516

Wargeyska bishiiba mar ka soo baxa dalka Ingiriiska ee Britishphysiological monthly Newspaper ayaa cadadkii bishan soo baxay ku cadeeyay in daraasad cusub laga sameeyay dumarka xijaabka xidha. Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in dumarka xijaabka xidhani ay  yihiin kuwo badankoodu ka nabad galay xanuunada walaaca iyo werwerka ah ee ay la dhibaataysan yihiin dumarka aan xidhan xijaabka.
Wargeyska ayaa intaasi raaciyay in baadhitaano caafimaad oo dhinaca xanuunada nafsaaniga ah lagu ogaaday in dumarka aan xidhan xijaabku ay ku badan yihin xanuunada nafsaaniga ah oo dhami.
Waa kale oo ay warbixintu cadaysay in dumarka xijaabani aanay isku daalin nolosha isla markaana ay  raali ka yihiin qaabka ay u nool yihiin. Laakiin dumarka aan xijaabka xidhan ayaa inta badan ku daala inay sameeyaan qurux gacmeed ay kaga baxdo lacago faro badani, taasina ay tahay tan ugu wacan werwerka faraha badan. Wargeyska AL-Mujtamac ayaa isna daabacay in dumarka xijaabani ay yihiin kuwa islaam ah oo ku kalsoon diintooda iyo dhaqankooda , ku xidhnaanta ay ku xidhan yihiin Ilaahayna ay sabab u tahay degenaanta faraha badan iyo walaac yaraanta

Leave a Reply