Qalfoof 3000 Sano Ka Hor Dhintay Oo La Helay

0
455

Sida uu daabacay Wargeyska Kuliyom 20/09/2014, dalka Masar ayaa laga helay madax Qalfoof  ah oo loo malaynayo inuu dhintay 3000 sano ka hor. Qalfoofkan oo timo dhaadheer leh , wuxu baadhayaasha ku riday u qadan waa , iyadoo dhamaan qalfoofyadii hore ee la helay aanay lahaan jirin timo.
Waxayna baadhayaashu cadeeyeen inay tamaha dheer ee gabadh ee wakhtigaasu ahaa kibirka iyo faanka gabadha xorta ah.
Laakiin ilaa hadda waxay culimadu ku mashquulsan yihiin inay aqoonsadaan halka uu ka soo jeedo qalfoofkan.  Cilmi baadhayaashu hore way u heleen qalfoof badan laakiin hadda waxay aad ula yaaban yihiin sababta ay timaha qalfoofkani u daadan waayeen. Arinkaasi ayaa noqday mid aan hore loogu arag qalfoofaydii kan ka horeeyay ee la soo saaray.

Leave a Reply