Dadka Tanzania Oo Qaab Aan Adduunka Laga Isticmaalin U Kalluumaysta

0
410

Dalka Tanzania ayay kalluumaysatada dalkaasi qaarkood u kalluumaystaan qaab sharciga ka baxsan oo saamayn taban ku yeelata noolaha badda kalluunka ay dabanayaan ayay u isticmaalaa qaab ay ku qarxiyaan walxaha qarxa. Wallaac ayaa laga muujiyay qaabkaas sharci darrada ah oo qaar ka mid ah kalluumeeystada dalka Tanzania ay u isticmaalaan in ay kalluunka ku dabtaan, kaasoo ah Qarax ay dhigaa badda salkeeda si loogu dilo kalluunka. Halkii qarax waxaa lagu dillaa in ka badan 400 oo kalluun ah. Tanzania waa waddanka keliya ee leh qaabkan sharci darrada ah ee laga isticmaalo qaarada Afrika
noolaha badda hoose ku nool  ayuu saamayn ku yeeshaa qaraxaasi ama uu laayaan, taasoo aanay ka taxadarin kalluumaysatadu, waxaana walaac ka muujiyay arrintaas hay’addaha caalamiga ah eek u shaqada leh baddaha adduunka.
Qaraxa kalluunka waxa mamnuuc laga dhigay sannadkii 2003-dii, laakiin weli waa la wadaa arrintaas, waxaana sababaya taas dad badan oo reer Tanzania ah ayay noloshooda ku xidhan tahay ka ganacsiga kalluunku.

Leave a Reply