Qalfoof 3000 Sano Ka Hor Dhintay Oo La Helay

0
392

Sida uu daabacay Wargeyska Alyoum 21/09/2014, dalka Masar ayaa laga helay madax Qalfoof  ah oo loo malaynayo inuu dhintay 3000 sano ka hor.
Qalfoofkan oo timo dhaadheer leh , wuxu baadhayaasha ku riday yaab iyo u qaadan waa , iyadoo dhamaan qalfoofyadii hore ee la helay aanay lahayn wax timo ah.
Waxayna baadhayaashu cadeeyeen inay timaha dheer ay cadaynayso inay gabadh ahayd, taasi oo timaha ay dheeraysan jireen dumarka xorta oo faan iyo kibir badnaa.

Laakiin ilaa hadda waxay culimadu ku mashquulsan yihiin inay aqoonsadaan halka uu ka soo jeedo qalfoofkan.  Cilmi baadhayaashu hore waxay u heleen qalfoofyo badan oo aan lahayn timo. Waxayna hadda aad ula yaaban yihiin sababta ay timaha qalfoofkani u daadan waayeen. Arinkaasi ayaa noqday mid aan hore loogu arag qalfoofaydii kan ka horeeyay ee la soo saaray.

Leave a Reply