Muwaadin Faransiis ah oo la Afduubay

0
436

Muuqaal Fiidiyow ah ayaa waxaa ka muuqday  la hayste Faransiis ah  oo ay labada dhinac ka taagan yihiin laba nin oo wajiga soo dabooshay. Lahaystaha ayaa waxa uu sheegayaa in uu yahay nin u dhashay Faransiiiska kana tirsanaa dadka haga dalxiisayaasha booqda buuraha.
Waxa la afduubtay maalintii Axadda.
Waxa uu sheegayaa in dadka afduubay ay ka dalbanayaan xukuumadda Faransiiska in aanay faragelin dalka Ciraaq.
Xukuumadda Faransiiska ayaa waxa ay xaqiijisay in ay la shaqeynayso xoogagga ammaanka ee dalka Aljeeriya si ay u soo furato lahaystaha.
Kooxda Dowladda Islaamiga ayaa kal hore ku amartay taageerayaasheeda in ay bartilmaamaydsadaan muwadiniinta Faransiiska, wax ka yar todobaad markii Faransiiska uu bilaabay duqeyn cirka ah oo uu ku bartilmaamaydsanayay kooxda dalka Ciraaq.
Wararka ay tabinayaan warbaahinta Faransiiska ayaa tilmaamaya in dadka afduubtay ninkani ay dowladda Faransiiska u qabteen muddo 24 saacadood ah in ay ku joojiso tallaabada milateri ee ay qaaday.

Leave a Reply