Ilme yar oo ku dhashay isaga oo aanay ku jirin bar dhiigi

0
467

Hooyada dhashay gabadh yar ayaa aad uga naxsanayd gabadh yar oo aanay ku jirin bar qudha oo dhiig ah,waxaanay ku dhalatay ilmahani iyada oo aanay ku jirin wax dhiig ahi,waxaanay u sheegeen dhakhaatiirtu inay dhiman doonto maalmo yar gudohood intii aanay badbaadin.
Hooyaddagabadhdhashay ayaa lagu magcaabaa Emma Fagnes,waxaanay da’deedu tahay 31 sanno jir,waxaanay dhakhaatiirtu u sheegeen inay dhiiga ka cabtey gabadhan yar intii  ay uurkeeda ku jiray,taasina ugu wacan tahay inay gabadhaasi yari  noqoto mid bilaa dhiig ah,iyaga oo saari waayey xanuunka inantan yar hayey.
gabadhan yar ayaa ah gabadh markii dambe noqotay mid badbaada ,iyada oo loo bixiyey markii ay dhalatay Maisy,waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen inay adag tahay siday wax uga qabtaan,waxanay ku tilmaameen xaaladan inay tahay tii ugu horeysay ee soo marta intii ay shaqadan hayeen.
Gabadhan yar ayaa dhalatay 6 toddobaad ka hor waqtigii loogu talo galay,iyada oo sidoo kalena u baahan siday dhakhaatiirtu cadeeyeen 3 qaliin oo kala duwan,taas oo dhiig loogu raadinaayo labada toddobaad ee ay jirto.
Marka loo eego gabadhan yar ee lagu magcaabo Maisy ayaa gashay waqtigii ay noqon lahayd 4 sanno ,iyada oo imina toddobaadyadii ugu horeeyey dhigata dugsiga hoose ,waxaanay hooyadeed sheegtay inay iminka aad uga duwan tahay waqtigii hore,iyada oo ka hadlaysana waxay tidhi “waxa uu waqtigaasi hore ahaa mid aanan rumaysan karin,waana mid aan hore u dhicin waxa dhacay”.
Gabadhan yar ee lagu magcaabo Maisy ayaa ah mid dhalatay waqti ay ku jirtay bilaa dhiig,waxaanay waqtiyadaasi dhakhaatiirtu sheegeen in aanay waxba u qaban karin gabadhaasi,iyaga oo markii dambe ku guulaystay,waxaanay markii dambe tilmaameen inay Maisy tahay gabadh aan lahayn unugyada dhiiga ee Plasmaha loo yaqaano,taas oo keeni lahayd inuu dhiigeedud galo gudaha jidhka.
Waxaanay sheegtay hooyaddeed in kelmadihii markii ugu horeysay ay ku dhawaaqday ay ahaayen (Daada),taas oo rajo gelisay hooyadeed,waxaanay dhawaaqaasi ku dhawaaqday toddobaadkii 15-naad .
Dhakhtar lagu magcaabo H.Macy oo ku nool Tramore  oo ku taala Ireland ayaa ahaa dhakhtarka ku guulaystay daweynta inantan yar ,waana macalin iminka School wax ka dhiga.
 
Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?
 

Leave a Reply