Maxaad ka taqaanaa 10 wadan ee carabta ugu awooda badan ciidan ahaan?

0
464

7: Yemen
Wadanka Yemen oo ah wadanka iminka qasku ka taagan yahay ayaa isaguna noqday wadanka 7-aad ee ugu awooda badan wadamada Carabta,isaga oo sidoo kalena wadankaasi kaalinta 45-naad ka galay ciidamada dunnida dhinaca awooda,waxaanu ka mid yahay wadamada ugu dagaalka badan sannadahan dambe.
Tiradda dadka wadankaasi Yemen ayaa lagu sheegaa inay tahay 24.7 milyan oo qof ,kuwaas oo lasoo qaatay tiro koobkii ugu dambeeyey ee la sameeyo laguna sameeyo dadka dalkaasi.
Ciidamada dalkaasi ayaa iyaguna lagu sheegay inay yihiin tiro ahaan 401,000 oo askari oo dagaal yahan,kuwaas oo dagaalo kala duwan kaga jira meelo dalkaasi kamid ah,waxaana ciidamadaasi u shaqeeya dad tiro ahaan gaadhaaya 8.1milyan oo qof,kuwaas oo qabta shaqooyin kala duwan,sidoo kalena ciidamada kaydka ah ayaa noqonaaya ilaa 450,000 oo askari.
Taangiyada ay haystaan ciidamada dalkaasi Yemen ayaa noqonaaya 106 taangi ,waana kuwo badan marka loo eego wadamada kale qaar kamid ah ,waana kuwo inta badan ay kazoo iibsadaan wadanka Maraykanka.
Gawaadhida gaashaaman ee ciidamada dalkaasi Yemen ayaa iyaguna ah 600 oo gaadhi ,kuwaas oo lagu qaado ciidamada dalkaasi ,waana kuwo tayo ahaan aad u fiican ,iyada oo loogu talo galay inay maraan meelo kala duwan ,gaar ahaana buuraha oo dalkaasi aad ugu badan.
Diyaaradaha ciidamada ee dagaalka ,gaar ahaana kuwa loo yaqaano Miiga ayaa tiro ahaan gaadhaaya ilaa 362 diyaaradood oo kuwa dagaaalka ah,waana kuwo loo carbiyo ciidamo aad u badan oo loogu talo galay dhinaca circa.
Diyaaradaha gumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters-ka ayaa iyaguna tiradooda lagu sheegay inay yihiin 94 diyaaradood,waana kuwo u kala baxa kuwa ciidamada lagu qaado iyo kuwa dagaalka.
Ciidamada badda ayaa leh 33 doonyood oo kuwa ciidamada qaada ah,kuwaas oo ay u isticmaalaan ilaalada xeebaha,mana aha kuwo diyaaradaha xambaari kara,iyaga oo aan sidoo kalena lahayn wax maraakiib ah oo badda quusta ama kuwa loo yaqaano Gujiska.
Miisaaniyada ku baxda ciidamada dalkaasi ama difaaca dalkaasi ayaa la sheegay inay tahay mid gaadhaysa ilaa $1.2billion oo lacagta dalka Maraykanka ah,waana mid aad u badan marka loo eego lacagta ku baxda meelaha kale.
 

Leave a Reply