Fadliga 10-Ka Hore Ee Bishan Carafo

0
1082

Fadliga ay leeyihiin tobanka maalmood ee bishan aynu ku jiro ee  Carafo waxa inagaga filan dhaarta uu Allah (sw) ku dhaartay ee uu weyneeyay qadarkooda . Dhaartaasi oo ah bilwoga Suuradda Fajri. Iyagoo culmi badan ku tafsiireen 10 Maalmood ee bishan aynu ku jiro ugu horeeya. (Ibnu Cabas, Ibnu Kasir).
Rasuulka (scw) waxaa ka sugnaadey Xadiiskan: “Maalmo Allah (sw) camalka wanaagsan uu ka jecelyahay majirto maalmahaan (10-ka maalmood ee hore bisha carafa Camalka la sameeyo).
Asxaabtii waxay ku yidhaahdeen , Ma xataa jihaadka dariiqa Allah loo galo Rasuul  allaw?  Rasuulkuna (scw) Wuxuu ku jawaabay: “Xataa jihaadka, haddii aanu ahayn qof  naftiisa iyo maalkiisa ku jihaaday oo aan sidaasi ku soo noqon mooyee ”
Waxaa Rasuulka (scw) la waydiiyay fadliga maalinta Carafo soonkeeda oo ka mid ah maalmahan ? Wuxuu ku jawaabay: “Waxaa lagu dhaafaa sanadkii hore iyo sanadka soo socda danbiyadii aad samaysay”  Waxa fiican in qofka  kasta oo muslin ahi uu ka faa’idaysto fursadaha qaaliga ah ee Allah (sw) uu  bixiyo, oo aynu tobankan maalmood  ku dadaalo salaada, soonka, dikiriga, sadaqada iwm.

Leave a Reply