Hindiya : Qabiilo Hilibka Dadka Cunta

0
771

Dacalada webiga Ganguez  ee ku waqooyiga dalka Hindiya gaar ahaan tuulada Varanasi waxa ku nool  qabiilo lagu magacaabo Aguri taasi oo la cadeeyay inay cunaan hilibka dadka dhinta. Sida lagu daabacay wargeyska  Alyoum shalay , isagoo soo xiganaya barnaamij laga sii daayay RT Arabic TV, Qabiiladan ayaa haragga dadka ay hilibkooda cunaan  ka dhigta gogol ay ku seexdaan, iyaga oo lafahoodana u isticmaala inay ka samaystaan weel ay wax ku cunaan oo ay waxna ku cabaan.
Qabiiladan ayaa aaminsan in cunista hilibka dadka dhinta iyo isticmaalka haragooda iyo lafahoodaba ay u kordhinayso tamar iyo awood fara badan. Dadka deegaanada ku dhaw dhaw ayaa aragagax ka muujiyay cunista hilibka dadka dhinta  ee qabiiladanin isticmaasho, iyagoo ka cabsi qaba in dhaqanka foosha  xun ee ay leeyihiin uu ku faafo deegaanada kale.

Leave a Reply