Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Wada Tashi Ah La Yeeshay Hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran

0
423

Dulucda Qoddobadii Lagu Falan-qeeyay Kulankaas Iyo Bayaanka wada Jirka ah Ee ay Maanta Soo Saarayaan

Hargeysa (DAWAN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay saddexda Guddoomiye ee saddexda xisbi qaran KULMIYE, WADDANI iyo UCID, Kulan wada tashi ah, kula yeeshay xafiiskiisa, siday noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ahi.

Kulankan oo ka dhashay marti-qaad Madaxweyne Siilaanyo u sameeyay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa sida la sheegay madaxweynaha Somaliland  Hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka uga waramay sida loogu baahan yahay in Somaliland shicib iyo xukuumad-ba iskugu duubnaan lahayd isla markaana ay wada jir u waajihi lahayd difaaca qadiyadda Somaliland.

Waxa la soo weriyay in Madaxweynaha iyo madaxda xisbiyadda qaranku ay isku waafaqeen soo jeedintii iyo talladii uu madaxweynuhu kulankaasi ugu soo bandhigay, iyagoo masuuliyiinta axsaabtuna  madaxweynaha uga mahad celiyeen  marti qaadka uu u fidiyay iyo sida uu iskugu hawlayo in qaranka Somaliland oo midaysani ayu midoobaan  sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen wixii farro gelin ah ee cadowga Somaliland uu ku doonayo inuu ku wiiqo taabo-galka qaranimadda Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Hoggaamiyeyaasha axsaabtu waxay isku af-garteen inay maanta oo Isniin ah wada jir u soo saaraan bayaan cad oo ay caalamka ugu bandhigayaan sida Somaliland ay ugu midaysan tahay mucaarid iyo muxaafidba, shicib iyo xukuumad-ba inay indho dheer u lahaadaan codowgooda dibadda.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa waa u dhaqan joogto ah inay mar walba kulamo noocan oo kale ah la yeelato axsaabta mucaaridka ah, waana tallaabo xaga horumarka loo qaaday in la mideeyo oo loo midoobo in aragti midaysan lagaga fal celiyo dhaqdhaqaaqyadda lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo iraadada shacbiga Somaliland iyo xaqa ay u leeyihiin madax-banaanidooda.

Madaxweynaha dawladda gacan ku rimiska ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadyadii la soo dhaafay dunida iyo mandaqadaba ka waday dhaqdhaqaaqyo uu kula dagaalamayo qaranimadda Somaliland isla markaana uu beesha caalamka kaga dhaadhicinayo in  la soo celiyo riyadii Somali-weyn ee shacbiga Somaliland ay xornimadooda kala soo noqdeen sanadkii 1991-kii.

Leave a Reply