Markii Ay Ka Nixiyeen Ayuu Bam Gacmeed Adeegsaday

0
405

Dalka Ruushka nin oday ayaa  sameeyay arrin aad loola yaabay oo uu iskaga fogaynayo koox dhalinyaro ah oo dhawr jeer ka nixiyay iyagoo ku jeesjeesaya.  Ninkan Odayga ah ayaa bam gacmeed ku tuuray dhalinyaradaasi, taasi oo wayeelo gaadhsiisay dhalinyaradi qaar ka mid ah iyo ninkan tuurayba.
Sida ay wargeysyada Ruushku qoreen arintan ayaa Axadii ka dhacday  MagaaladaRuushka ku taal eeOrenburg. Kooxdan dhlinyarada  ayaa caadaystay inay ka xanaajiyaan ninka odayga ah, isagoo dhawr jeer uga digay inay arinkaasi joojiyaan.  Dhalinyardu arintaasi dheg umay dhigin iyagoo qayb dhalinyarad ka mid ahi ay ka gabadeen markii uu soo tooray. Saddex ka mid ah dhalinyarada iyo ninkan odayga ah ayaa dhaawac soo gaadhay. Dhamaantood waxa loo qaaday isbitaalka.
Ninka tuuray oo dhaawac fududi gaadhay  ayaa la xidhay  isagoo waajihi doona dacwad ah isku day dil. Ninkan ayaa ka mid ahaan jiray ciidmada Ruushka.
 

Leave a Reply