“ILAAHAY, Madaxweynaheenna Cimrigiisa Ha Raajiyo, Xag-xagashada Ajar-baa Uga Kordhaya”

0
413

“Maxamed Xaashi Laba Jeer Ayuu Wasiirka Maaliyada noqday labadaba Siilaanyo ayaa u dhiibay”

Hargaysa (DAWAN) –  Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay siyaasiga Maxamed Xaashi Cilmi, kaas oo u ku aflagadeeyay Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaayo).

 Wasiir  Cabdilaahi Cukuse ayaa arrintaasi kaga jawaabay hadal uu ka jeediyay shir uu shalay la yeeshay agaasime waaxeedyadda iyo madax-qeybeedyadda wasaaradiisa. “Maalmahan rag waa weyn ayaa hadallo deel qaaf ahi ka dhacayaan, hadallo aan u qalmin da’dooda ayaa ka dhacaya, Maxamed Xaashi laba jeer ayuu noloshiisa noqday Wasiirka Maaliyadda, mar waxay ahayd SNM, waxaana xilka u dhiibay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) marna waxay ahayd dawladda hadda oo uu Wasiirka Maaliyadda noqday, waxaana xilka u dhiibay Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) illaahay baan ku dhaartee markaad intaas eegto ixtiraam ayuu ku leeyahay, markaad isku da’da ay yihiin eegto Ixtiraam ayuu ku leeyahay. marka uu muwaadin soo halgamay yahayna Maxamed Xaashi Ixtiraam ayuu Madaxweynaha dalku ku leeyahay, hadalkaasina hadalkiisi (Maxamed Xaahsi) ma ahayn.”

 Wasiirka Warfaafinta Somaliland, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Inta kale ee ummada waxaanu kala dar-daarmaynaa waxaasi wax lagu sheekeeyo maaha, Madaxweynaheena Alle cimrigiisa ha raajiyo, wakhti badan oo noloshiisa ahna wuu inoo soo huray, walina maanta wuu inoo hurayaa oo waa kaas halkaas fadhiya ee  inoo shaqaynaya. Xag-xagashada intaa leeg ee Madaxweynaha ajar u kordhaya oo ifka ah iyo mid aakhiraba way leedahay.”

Leave a Reply