Talyaaniga: Huteel Bilaash Ah Oo Laga Furay

0
421

Dalka Talaayinga ayaa waxa la dhamaystiray Hutel weyn oo aan noociisa hore loo arag. Huteelkan oo laga dhisay halka ugu saraysa ee buurta  Foronon Buinz ee dalkaasi. Huteelkan waxaad ka heli kartaa wixii aad u baahato iyadoon haba yraatee aanad bixinayn waxa lacag ah, isagoo dhamaantiis ah bilaash. Laakiin qofka waxa looga baahan yahay inuu isagu soo gaadhoo keliya Hutelkan, isagoo buurta soo koraya.
Huteelkan ayaa laga dul dhisay figita buurtaasi oo dhulka ka saraysa qiyaas dhan 8300 Ft.  Hutelkan waxa dhistay shirkad gaar loo leeyahay waxayna ugu talo gashay inay adeegsadaan dalaxiisayaasha. Waxa kale oo ay shirkadu sheegtay inay sharafayso dhimashadii ku timid ninka buuraha kori jiray ee dhintay  isagoo koraya buurta la odhan jiray Luca Verak  ka dib markii gebi buurta ka mid ahi uu ku soo dumay. Huteelkan ayaa qalabka lagu dhisay ay qaadi jirtay dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah.
 

Leave a Reply