Xildhibaan Ku Baaqay In Laga Faa’iidaysto Baanan Caalami ah Oo Danaynaya Somaliland

0
434

Hargeysa (DAWAN) – Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in kobaca dhaqaalaha Somaliland u xaniban yahay baanan ganacsi oo aanu dalku lahayn,  isagoo sheegay in baanan badan oo caalamka ah doonayaan in ay dalka ka shaqo galaan.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil oo warbaahinta la  hadlay shalay waxa uu tilmaamay in dalku suuqyada ganacsiga kula tartami lahaa caalamka haddii baanan ganacsi jiri lahaayeen, isla markaana dhallinyaradu shaqo la’aan aanay ku dhacdeen.

 “Waxa jira baanan badan oo danaynaya in ay Somaliland yimaadaan, baananka imika jira oo markii hore xawaalado ahaan jiray sida Dahabshiil iyo Salaam Bank. Hadii ay dalka yimaadaan baanan waawayni waxay inoo maal galinayaan warshado inoo sameeya waxyaabaha ay ka midka yihiin hilibka, dharka baadhitaanka macdanaha iyo kuwo xabkaha kala duwan dhoofiya. Markaa waxaan leeyahay dhaqaale aan baan kicin ma kaco. Tusaale ahaan, haddii uu nidaamkani dalkeena ka hir galo waxa dhacaysa in halka ganacsadaha imaaraadku uu wax ka soo iibsado in aynu inana ka soo iibsano, taasina waxay waxtar ballaadhan u leedahay bulshadeena.Waddana dhaqaalihiisu hore u mari maayo haddaanay jirin habka ay baananku uga shaqeeyaan waddamada caalamka, waa lagama maarmaan in aan baan la’aan dhaqaale kobcaynin, dadkuna shaqo helaynin, warshadona aan la maal galinaynin,” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Ismaaciil.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf  waxa uu tilmaamay in bulshadu ka horumarto ganacsiga gaarka loo leeyahay, baanankuna isku xidhaan caalamka, waxaannu yidhi; “Dhaqaalaha dawladdu maamushaa waa ka ay bulshada ugu qabato waxyaabaha nolosha lagama maarmaanka u ah, sida nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo wixii la mida. Halka ummaddi ka kacdaa waxa weeye ganacsiga gaarka loo leeyahay. Baanku waa kan isku xidhayaan waddankeena iyo wadanada kale, wixii aynu hayno baan baa dhoofinaaya wixii aynu soo dajinayno-na baan baa soo dajinaaya.”

Xildhibaanku waxa uu sheegay in aan dalku u baahnayn baanan nidaamka ribada ku shaqeeya, xeerka baananka ganacsiyada ay wax-ka-beddel ku samayn doonaan.

By: Jamaal C/Raxmaan

Leave a Reply