Xukuumadda Oo Bilowday Bixinta Baasaaboorka Cusub, Joojisayna Kii Hore

0
464

Hargaysa (Dawan): Laanta socdaalka ee Somaliland ayaa shaacisay in ay shalay si rasmi ah u bilaabeen bixinta baasaaboorka cusub ee E-pass port, isla markaana la joojiyay baasaaboorkii hore  ee gacanta lagu qori jiray.

 Sidaasina  waxaa sheegay  Taliyaha laanta socdaalka ee  Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laanta socdaalka oo shalay shir jaraa’id  si wada jir ah ugu qabtay xafiiskoodda magaaladda Hargaysa.

 Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf,  Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay  in shuruudo adag lagu xidhay qaadashadda baasaaboorkani  cusub, isla markaana aan loo ogolaan doonin cid aan ahayd muwaadiniinta  reer Somaliland.

 Isaga oo arrimahaasi  faahfaahin ka bixiyayna waxa uu yidhi   “U Jeedadda aanu shirkan jaraa’id u qabanay waxay tahay, in aanu dadweynaha reer Somaliland ka dhaadhicino in Baasaaboorkii hore ee gacanta lagu qori jiray la joojiyay oo ay shalay (doraad)  ugu danbayso. Maantana (shalay) aanu bilawnay bixinta Baasaaboorkii cusbaa ee E-pass port-ga ahaa. Baasaaboorkani cusub oo qaadashadiisa shuruudihiisu ay aad iyo aad uga adag yihiin kii hore, laguna fadhiisiyay in aan ahayn muwaadin reer Somaliland ahi in aanu qaadanin, iyada oo shuruudaha dambi-la’aanta iyo kuwo ka sii adagba la gaadhsiiyay”.

 Sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaybaha ama noocyadda uu ka kooban yahay baasaaboorkani cusub  iyo kuwa ay yihiin dadka loogu tallo-galay in ay qaataan. “Baasaaboorkani cusub ee E-pass port, waxa uu ka kooban yahay saddex nooc, kuwaasi oo kala ah baasaaboorka diblomaasiyiinta (Diplomatic Pass Port), kaasi oo ay qaadanayaan diblomaasiyiinta reer Somaliland ee ugu saraysa, ka shaqaalaha oo ay qaadanayaan dadka shaqadda u baxaya (service), baasaaboorka caadiga ah (ordinary pass port), kaasi oo ay qaadanayaan dadka caadiga ah ee muwaadiniinta ahi, waxa kale oo aanu ku soo kordhinay  qaadashadda buuga bad-maaxyadda  (Sea man book), kaasi oo heer caalami ah” ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka ee  Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf.

 Madaxa  xafiiska bixinta baasaabooradda ee laanta socdaalka Xasan Khayre  Ugaas, oo isna shirkaasi jaraa’id  ka hadlay   ayaa ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray laanta socdaalka ee Somaliland iyo halka ay xiligan la joogo marayso. Waxaanu sheegay in xafiiska laanta socdaalka ee Somaliland oo la aasaasay sanadkii 1993, iyada oo  aanay mudaddii u dhaxaysay 1993 ilaa 1997 Somaliland lahayn wax baasaaboor ah oo lagu aqoonsado muwaadiniinta, hase yeeshee wixii ka dambeeyay sanadkii 1997 dawladdii xiligaasi jirtay ay samaysay baasaaboor ay Somaliland leedahay, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay sanadkii 2000.

 Waxa kale oo uu sheegay Xasan Khayre, in dhaqan galkii baasaaboorka Somaliland ee sanadkii 2000 uu wax weyn ka taray baahidii loo qabay  in la helo baasaabor u gaar ah Somaliland iyo sidoo kale jiritaanka qaran-nimadda Somaliland, balse dib markii ay hay’adda caalamiga ah ee ICAO ay soo saartay go’aankii ahaa in marka la gaadho sanadka 2015 aduunka oo dhan laga isticmaalo baasaaboorka casriga ah ee E-pass port. Sidaas darteedna iyada oo ay xukuumadda Somaliland go’aankaasi fulinaysa ay samaysatay baasaaboorka elegtarooniga ah si ay ula jaan-qaado dunida kale.

 Waxaanu yidhi “Baasaaboorka Somaliland ooh ore wax weyn uga taray baahidii ay u qabeen muwaadiniinta reer Somaliland iyo jiritaanka Somaliland hase yeeshee waxaa ka dib hay’adaha caalamiga ah ee socdaalka international civil aviation organization ICAO ay soo saartay qaraar  ah in   baasaabooraddii hore ee gacanta lagu buuxin jiray laga gudbo, loona gudbo  baasaaboorka elegtarooniga ah marka la gaadho sanadka 2015. Waxaa nasiib wanaag dawladda Kulmiye ay hormoodka u tahay ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)  ay soo saartay baasaaboor elegtaroonig ah,  kaasi oo u qaybsan saddex qaybood oo kala ah midka caadiga ah ee loogu tallo-galay in la siiyo dadweynaha,  mid loogu tallo-galay in la siiyo shaqaalaha dawladda marka ay u safrayaan dalalka kale iyo mod loogu tallo-galay in ay qaataan siyaasiyiintu marka ay safaradda u baxayaan”.

 Madaxa  bixinta baasaabooradda ee laanta socdaalka, waxa uu sheegay in shuruudo adag lagu xidhay bixinta baasaaboorkani cusub ee E-pass port, gaar ahaana  ka loogu tallo-galay in ay qaataan dadka caadiga ah ee u dhashay Somaliland, waxaanu yidhi  “Bixinta baasaaboorkani cusub waxaa lagu soo rogay shuruudo ka adag sidii hore, gaar ahaana baasaaboorka ay qaataan dadka caadiga ah ee muwaadiniinta ahi, kaasi oo ah ka ugu badan ee ay dadweynuhu qaadan doonaan. Waxaa  marka hore qofka looga baahan yahay in uu keeno codsi, warqadda dhalashadda ay ee ay dawladda hoose bixiso ama waraaqda aqoonsiga ee ay wasaaradda Arrimaha guduhu bixiso,  waraaqda cadaynta dambi-la’aanta oo laga soo qaadanyo xeer ilaalinta iyo waraaq kale oo laga soo qaadanayo qaybta dambi-baadhista ee CID-da. Marka uu muwaadinku shuruudahaasi oo dhan buuxiyo, waxaa  bixinta baasaaboorka soo ogolaanaya wasiirka arrimaha gudaha”.

Leave a Reply