Ganacsade Caan Ku Ahaa Kubadda Kollayga Oo Aasaasay Koox Cusub

0
386

Hargeysa (DAWAN)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa  ku wareejiyay agab ciyaareed oo iskugu jiray dirays, kubaddo iyo kabaha ciyaartoyga   oo uu ugu deeqay ganacsadaha Nuuradiin Axmed Yaasiin Gabaxadi,  kooxda kubada kolleyga ee Golden Age oo u ciyaari doona magaca shirkadda Ganacsadahaasi.
Xafladii lagula kala wareegayay agabkan ciyaareed oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa waxa ka soo qayb- galay Agaasimaha Guud ee  wasaarada dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska,  xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa Suxufiga weyn ee  C/salaan Ibraahim  Hereri iyo Guddoomiyaha xidhiidhka kubbada kolleyga, kooxdan direyska  la guddoonsiinayay.
Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in kooxdan  Golden Age ay u ciyaari doonaan shirkadaha Ganacsade Nuuradiin Axmed Yaasiin Gabaxadi, waxaana uu uga mahad-naqay agabkan uu u soo diray kooxdan, waxaanu yidhi  “Waxaan u mahadnaqayaa ganacsadaha Nuuradiin Axmed Yaasiin  oo kooxdan maal-galiyay.Fikradii lagu aasaasay tiimkan waxa  iska lahaa aniga iyo Cabdixakiin Sanyare  oo ula tagnay Nuuradiin Axmed Yaasiin. Waxa ku soo biiray kooxaha kubadda kollayga ee caasimadda  kooxdan Golden Age  oo  uu maal-gelin doono Nuuradiin Axmed Yaasiin  oo ahaa ciyaartoy weyn oo kubbada kolleyga ciyaari jiray ahaana jirayna ayaan xidigihii waaweynaa aad  ayaan ugu mahad-naqayaa.”  “Dhalinyaradu waxay u baahan tahay in la dhiiri-geliyo oo la soo dhaweeyo bahdayadii hore ee kubadda kollayguna  waanu barbar-taagan nahay mar walba dhallinyarada,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac.
 
Xildhibaan Warfaa oo hadalkiisa sii watay  waxa uu yidhi “Hadda ka horna waxa jirtay koox kubadda kolleyga oo aanu ku wareejinay wasaaradda waxbarashada oo Marwo Samsam Cabdi Aadan ay nagala wareegtay kooxda kubadda koleyga ee Iftin, mushahar ayay u qortay imika waa naadi jira.”
 
Agaasimaha guud ee wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu tilmaamay in uu uga mahad-naqayo  kooxdan kubadda kolleyga ee uu qaatay Ganacsadahaasi, waxaanu  yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa  hantiilaha Nuuradiin Axmed Yaasiin,  naadigan kubadda kolleyga ee uu qaatay iyo deeqdan uu ka soo gaystay iyo dhiiri-galinta uu la garab istaagay dhallinyarada  reer Somaliland, dalkeenna Somaliland way jiri jireen dhallinyarro ciyaartoy ah  oo caan ah  oo dunida dacaladeeda kala jooga. Waxa kale oo jira dhallinyaro fursado ka helay waddamada caalamka, oo kaalimo muhiima kaga jira.”
 
Maxamed Dhabeeye waxa uu ku dhaliilay shacbiga Somaliland in aanay u soo jeedin sidii ay u taageeri lahaayeen ciyaartoyga dalka, waxaanu  yidhi “Shacbi ahaan waxa laynagaga fiican yahay is abaabulka iyo dhiirigelinta dhallinyarada ciyaartoyga ah ee Somaliland, waxana lagaga wanaagsanaaday inay garab galaan ciyaaraha, waxaana  dhalatay in hoos u dhac ku yimaado ciyaarihii halkii ay dunida kale kaga jiraan meel ka hoosaysa ayay taagan tahay Somaliland.”
Suxufiga caanka ah Cabdi Salaan Ibraahim  Hereri oo ka hadlay xafladaas  ayaa waxa uu sheegay  in loo baahan yahay in la kobciyo ciyaaraha, waxana uu xusay inay kubadda wadda ciyaari jireen mulkiilaha Nuuradiin  sanadkii 1983, waxaanu  yidhi “Ninka kooxdan qaatay naadigii BBC ayaan u wada ciyaari jirnay ciyaaraha gobolada ee waqooyi galbeed isku sanad ayaan ahayn 1983, xaafada 26 June ayaan u wada ciyaari jirnay, waa nin wakhti badan aanu soo wada qaadanay, tallaabadaa uu qaadayna waa mid ku dayasho mudan, ciyaaruhu kaalin weyn ayay ka qaataan is dhex-galka dhallinyarada, waxaanan jeclaan lahaa in ciyaaraha aad loo  badiyo, dhinacaas ayaad moodaa in laga gaabiyay oo sanadkii mar la qabto ciyaaraha.”
 
Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubaddaha gacmaha Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi oo sheegay inuu soo dhawaynayo kooxdan cusub ee ku soo biirtay naadiyadda kubadda kollayga ee caasimadda Hargeysa, waxaanu u mahad celiyay ganacsadaha aasaasay kooxdan oo uu ku sifeeyay mid si weyn u fahamsan ahmiyadda ciyaaraha, maadaama oo uu ahaa xidig weyn oo caan ku ahaa kubadda kollayga.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply