‘Si Aynu U Kala Saarno Martida Iyo Muwaadiniinta Waa In Aynu Qaadano Kaadhka Jinsiyadda’

0
433

Hargeysa (Dawan) – Prof. Maxmed Cumar (Jiir) oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wkiiladda Somaliland,  ayaa waxa uu sheegay in baahi aad u weyn loo qabay in shacabka Somaliland helaan kaadh dhalasho oo ay kaga duwanaadaan dadka kale.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Somaliland  ay ku xeeran yihiin waddamo ka dad badan oo  ay joogaan dad badan oo aan u dhalan  isla markaana  loo baahan yahay in la sugo qofka muwaadinka ah ee u dhashay Somaliland. Prof. Maxamed Cumar (Jiir) waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay siiyay wargeyska DAWAN, ayaa ka hadlay qiimaha uu shacabka Somaliland u leeyahay kaadhka aqoonsigu, isagoo arrintaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Shacabka waxaan leeyahay waxaynu nahay wadan yar oo soo koraaya, waxaana innagu xeeran wadamo innaga dad badan, dad faro badan oo marti ahina way inala joogaan markaa si aynu u kala saarno dadka martida ah iyo muwaadiniinta waa in aynu qaadanno kaadhka aqoonsiga dhalashadda oo la sugo dadka dalkan u dhashay.”  Prof. Maxamed Cumar (Jiir) waxa uu sheegay in ay guul aad u weyn tahay in bulshadeenu maanta ay ku tartamaan xagga wax-qabadka iyo horumarka, waxaanu yidhi “Maanta qof waliba waxa uu ka fikirayaa sidii  horumar loo gaadhi lahaa, haddii ay maanta dadku ka fikiraan horumar-na waxay muujinaysaa in aynu maskax ahaan kornay oo in badan ka duwan nahay sidii shalay loo fikiri jiray. Tusaale ahaan haddii aad eegto guud ahaan dalka iyo magaalooyinkiisaba waxa ka muuqda dedaal aad u badan.”  “Waxaynu nahay dad wax-qabsaday, waxaynu nahay dad nabad-gelyo haysta oo ah qaran madax-banaan, waxaana loo baahan yahay in halkaas laga sii wado dedaalka si aynu qaran ahaan iyo bulsho ahaan-ba horumar u gaadhno. Dalkeenna waxa kale oo ka jira oo aynu samaysanay warshado, kuwaas oo soo saara waxyaabo kala duwan  oo markii hore dhaqaale aad u badani innagaga bixi jiray maanta waa ilaahay mahadii haddii aynu dalkeenna ka heli karno waxii dibada innooga iman jiray.” Ayuu yidhi xildhibaanku. Xildhibaanku mar uu ka hadlayay  xaalada waxbarashada dalka waxa uu sheegay in xagga waxbarashada dalku maanta marayo meeshii ugu wanaagsanayd, waxaanu yidhi  “Maanta waxa dalkeenna ka jira jaamacado badan anigu waxaan aaminsan nahay waa been dadka yidhaa jaamacadeheenu way liitaan, laakiin jaamacdaha adduunku way innaga da’a weyn yihiin, markaa ma odhan karno waxbarasho ahaan way innaga wanaagsan yihiin. Waxbarashaduna waxay ku xidhan tahay hadba sid uu qofku u dedaalo.” Sidoo kale waxa uu xidhibaan Maxamed Cumar Jiir , ka hadlay sida dalkeennu uga soo kabtay dagaaladii dib-u-xoraynta “Markaa ay dalkeena dagaaladu ka dheceen magaalooyinkeenu way bur-bureen maantana waad aragtaan in ay suuqyadeenu ay camiran yihiin. Dalkeenu in badan ayuu hore u socday laakiin waxaan odhan karaa waxa innoo hadhay in badan oo kale.” Xildhibaanku waxa uu shacabka Somaliland ku waaniyay in ay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida wadanka  ka jirta, waxaanu yidhi “Nabaddu waa waxa aynu maanta halkaa ku gaadhnay markaa waa in aynu sii xoojinaa fikirka ah wax-u-qabadka dalkeenna si arrimaas oo dhammi u hirgalaan waa in la ilaashadaa midnimada iyo isku duubnaanta. Markaa waxaan leeyahay midnimo la’aanteed ma jiri karno, jiris la’aantuna cidna dan uma aha.” Xildhibaan Maxamed Cumar (Jiir) waxa uu sheegay in golaha wakiiladu ay meelmariyeen xeerkii diiwaan galinta muwaadidniinta oo sheegaya in dadka u dhashay Somaliland ay qaataan kaadh aqoonsi oo u gaar ah, isagoo ugu baaqay in ay si wanaagsan ugu soo baxaan diiwaan-gelinta madaniga ah.

By ; Jamaal C/raxmaan Macalin

Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply