Somaliland Iyo Itoobiya Oo ka Wadahadlay iskaashigooda Nabad-gelyadda Iyo Duulimaadyadda

0
400

ADDIS-ABABA (Dawan)-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa wax-wada qabsiga iyo cilaaqaadka labada wadan, gaar ahaan dhinacyadda nabad-gelyadda, duulimaadyadda iyo xasiloonida guud ee gobolka.Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Afhayeenka wasaaradda Duulista Somaliland Saddaam Maxamed Axmed, oo war-saxaafadeed ka soo saaray  shalay kulan ay magaaladda Addis-ababa ku yeesheen Wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda dawladda Fadaraalka Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Christos. War-saxaafadeedkaasina isagoo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:-“Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo socdaal shaqo ku jooga dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda dawladda Fadaraalka Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Christos. kulankaasi ayey labada Wasiir kaga wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee labada dawladood iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Iskaashiga labada ummadood.
Wasiirka Duulista Somaliland iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dawladood ee dhinacyada Duulimaadyada, Nabadda, deggenaanshiiyaha gobolka, iyo xidhiidhka ganacsi ee labada dal.
Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday wada shaqaynta Shirkada Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda duulista Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayntaasi, iyagoo isla gartay muhiimada ay leedahay in sare loo qaado xidhiidhka Duulimaadyada madaniga ah ee labada dal, taasoo salka ku haysa is dhex galka labada bulsho ee dariska ah. Iyo in dawladda Itoobiya ay fursado waxbarasho oo dhinaca duulimaadyada ah ay siiso shaqaalaha wasaaradda duulista Somaliland.
Labada dhinac ayaa iyaga oo ka Duulaya qorshaha shirkada Ethiopian Airlines duulimaadyada kaga bilaabayso madaarka Berbera,  waxay isla meel dhigeen in muwaadiniinta Itoobiya loo fududeeyo inay safaro dalxiis iyo ganacsi ku yimaadaan xeebta magaalada Berbera.
Wasiirul dawlaha Arrimaha dibadda dawladda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre- ayaa kulankaasi ka cadeeyey  inay dawladiisa ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, iyo in layska kaashado nabadda,  xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta ay ku leedahay nabadda deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga ay la leedahay Itoobiya
Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo  Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey ku simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya  Ambassador Ayaanle  Salaad ”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply