Xildhibaan Shabeel Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya

0
418

Guddoomiyaha guddi hoosaadka difaaca iyo amniga ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdi-kariim  Aw Cali Shabeel ayaa si adag uga jawaabay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha dawlada taagta daran ee Soomaaliya Xasan  Sheekh oo uu ku sheeganayay  inay Somaliland dalkiisa ka mid tahay.
 
Xildhibaan C/kariim Aw Cali Shabeel oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in Gole ahaan ay madaxweynaha ku barbar taagan  yihiin inay lama taabtaan tahay qaranimada Somaliland, waxaanu ku dooday in dhawaaqii Madaxweynaha Soomaaliya ahaa mid deel-qaaf ah.
 
Xildhibaan Shabeel oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweynaha koonfurta Soomaaliya, inkasta oo jawaabtiisii uu siiyay madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaan ku darayaa oo aan xogogaal u nahay oo ummada Soomaaliyeed oo dhami og tahay in arrintaasi isaga oo keliya ay ku kooban tahay ee aanay la qabin shacabka ku dhaqan koonfurta Soomaaliya, arrintaasi uu ku sheeganayo Somaliland.
Sidii aynu ka war-haynay oday dhaqameedyadoodii iyo waxgaradkoodii halkan inoogu yimid 18 May sanadkan oo ay qireen jiritaanka iyo qaranimada Somaliland,  Xamarna ay kaga hadleen oo arrintaasi aad iyo aad  u soo dhaweynay  uguna  hambalyaynayno iyaga oo ka koobnaa deegaamada Soomaaliya, arrinkaasuna ahaa mid ku kooban Xasan Sheekh  maaha arrin ay la qabto ummada halkaas degani,  kama uu fikirin dhibaatadda hadalkiisani keenayo. Soomaaliduna  uma baahna in la galiyo fidmo hor leh iyadoo la ogyahay wixii soo kala maray.”
 
“Sidaa aawadeed, waxaan Xasan Sheekh u soo jeedinayaa inuu ka baxo jah-wareerka uu ku sugan yahay kana waantoobo arrintaas uu ku sheeganayo Somaliland, kana fikiro madaxbanaanida ummadda kastaaba xaq ay u leedahay in ka tashato aayahooda sida isaguba u doonayo,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim Aw-Cali Shabeel.
 
Xildhibaan Shabeel waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeynayaa hadalkii uu ka sheegay Jaamacada Hargeysa  ee uu ugu jawaabayay  madaxweynaha  maamulka Xamar, waxaanu yidhi  “Waxa kale oo  aan hambalyo u soo jeedinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, khudbadii qiimaha lahayd ee uu ka jeediyay jaamacada Hargeysa maalintii dhawayd ee uu qadiyada Somaliland  sida adag ugu difaacay ee lahayd  miisaanka iyo garashada fog, taas oo uu ugu bandhigay shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba in ay qadiyada Somaliland tahay lama huraan oo ay goosteen shacbiga Somaliland  qadiyadooda madax-banaanida Somaliland oo lagu ansixiyay afti dadweyne oo ah 97%.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply