Dumarka Camalka-xun ee Kulul Ama Xanaaqa Badan Oo Cimri-deg-deg Ku Dhaco

0
745
  1. Ragga cadha badan ayaa waxay halis u yihiin in uu ku dhaco xanuunka la yidhaado *stroke* Dhiig-furanka Maskaxda. Dhinaca kale dumarka Camalka-xun ee Kulul ama Xanaaqa badan ayaa iyana wax ku dhaca Cimri-deg deg…sidaas waxa sheegtay cilmi-baadhid ku saabsan xanuunka *Stroke* oo lagu daabacay Wargayska Jyllands-Posten oo ka soo baxa Denmark.
    *Stroke…..Istaroogu waa marka dhigga maskaxda ku socda uu kala go’o. Arrintani waxay dhacdaa marka xinjir dhiig ah ay xidho xididada dhiigu maro ama marka ay qarxaan xididada dhiiga ee maskaxdu.
    Marka xididada dhiiga ee qaada hawada ogsijiinka (oxygen) iyo nafaqada ay gaadh-siinwaayaan maskaxda, iyada oo ay gufeeyeen xinjiro dhiig, ayaa waxaa dhinta unugyada maskaxda daqiiqado gudahood ka dibna waxa dhaca Istaroog sidaas darteed ayey muhiim u tahay in si deg deg loo daweeyo qofka. Daaweyn la’aan, waxaa sii socda dhimashaa unugyada maskaxda.
    Daraasadan cilmi-baadhida ahi waxa kale oo ay sheegtay in ragga cadhada badani 10% in ka badan ay khatar ku jiraan marka la barbardhigu ragga aan cadhada badnayn in uu ku dhaca waxa la yidhaahda Ateriyaal Fibrilayshan afka qalaadna lagu yidhaahdo (Atrial fibrilation) oo ah wadanaha oo isku dhex yaaca waxayna kordhisaa khatarta Istarooga.
    Ragga dab-shidka ah ee colaada huriya ee isla markaana xaqira dadka kale 30% waxaa laga yaaba in uu ku dhaco Ateriyal Fibrilayshan marka loo eego ragga deggen ee nabada jecel.
    Sababta Ragga cadhada badani ay halis ugu yihiin Ateeriyal Fibrilayshan ayaa waxay tahay in qaybaha sare ee wadnaha oo aan sidii la rabay uu saarin dhiigga , taas darteed ayaa wadnaha waxaa ka buuxsamaa dhiig, kaas oo sababi kara in ay samaysmaan Xinjiro gufeeya xididadii dhiigu maraayey ka dibna keena Istaroog.
    Ragga waxa ku jira kuwo ka xanaaqa wax aan macno lahayn ama sabab la’aan u xanaaqa. Waxa kale oo waliba ku jira Ragga kuwa ka xanaaqa wax aanay waxba ka qaban karin. Waxa kale oo sii jira kuwa aan ogayn waxa ay samaynayaan marka ay xanaaqaan.
    Hadaba waxba kuma jabna in qofka uu xanaaqo laakiin waxa xun marka qofka aanu ogayn waxaa uu samaynaayo, Qofka waa in uu ka fikiraa khasaaraha iyo faa’iidada ka iman kara xanaaqiisa. Waxaa la yidhi*Ka fiirso inta aadan falin*
    Waxa jira buugaag la akhristo oo sheegaya sida loo yareeyo cadhada. Waxaa kale oo la helaa khubarro ku takhasusay habka loo maamulo cadhada (anger management).
    Anigu waxaan qabaa shakhsiyan in qofku marka uu cadhoodo uu xaga diinta u kaco oo quraanka kariimka ah akhristo.

Leave a Reply