Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Danjire Ka Socday Dawladda Ingiriiska

0
445

Hargaysa (DAWAN):.Safiirka dawladda Britain u fadhiya Somaliland/Somalia Neil Wigan ayaa Isniintii toddobaadkan  kulan xarunta madaxtooyadda Somaliland Kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo kulankaasi ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay safiirka Britain kala hadleen waxyaabo ay doorashooyinka iyo Horumarka ay Somaliland ku talaabsatay.
“Halkan waxaanu ku qaabilnay Safiirkii Ingiriiska oo shir fiican Nala yeeshay saaka oo ka hadlay Arrimo badan oo khuseeya xidhiidhka labada dal, oo ay ka mid yihiin nabada galiyada labada wadan,Waxaanu ka wada hadalnay Shirka ka dhacaya Wadanka Ingiriiska oo Dawladaasi qaban-qaabisay Somaliland ku soo casuuntay kaas oo dad badani kasoo qayb galayaan,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Maraykanka ee Somaliland/Somalia Neil Wigan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay inuu yimaado
“Aad Baan ugu Farax Sanahay inaan Madaxwayne Siilaanyo Xafiiskiisa kulan kula yeesho,Isla markaasna kusoo casuumo Markab taagan xeebta Barbar,Somaliland waa Dawlada,kulan kii aanu la yeelanay waxa uu ku dhamaaday is-af garad buuxa,”ayuu yidhi Danjiruhu, waxaanu xusay in dawladiisu ay dedaal weyn u galayso sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ishaaray inuu rajaynayo in wada hadalladan ay ka soo bixi doonaan natiijooyin rasmi ah iyo iskaashi labada geesood yeeshaan.
Kulankaasi waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay madaxweyne Ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirrada Arrimaha dibadda Iyo madaxtooyadda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
 
siilaanyoo
 

Leave a Reply