Oog: Aas Qaran Oo Shalay Loogu Sameeyay Askari Lagu Dilay Saax-dheer

0
401

Oog(Dawan):ALLE ha  u naxariistee waxaa shalay magaalada Oog Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Cabdi Yuusuf Ducaale(Cabdi Liji) oo ka tirsanaa saraakiill xigeenada ciidanka Qaranka oo  habeen hore koox dabley ah oo ka tirsan nabad-diidku toogasho ku dileen gudaha tuullada Saax-dheer.
Marxuum Cabdi Liji oo lagu aasay degmada Oog,ayaa waxaa jinaasada aaskiisa ka qayb galay saraakiisha aagga bari ee Ciidanka Qaranka,madaxdhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan waxaanay marxuumka ILAAHAY  uga baryeen in uu  u naxariisto oo uu dambigiisa dhaafo.
Saraakiisha aagga bari ee Ciidanka Qaranka ayaa balan aaday in  aan  laga hadhayn ciddii Dishay  Cabdi Liji lana soo qaban doono, si sharciga loogu fuliyo.Waxaanay bulshadda deegaanka u soo jeediyeen in ay ka hor tagaan cid kasta oo    isku dayda in ay ku soo dhex dhuumato oo ay deegaanka ka geysato nabad gelyo darro.
Saraakiisha aagga Bari ee Ciidanka Qaranku waxaa kale oo ay caddeeyeen in cidda dambiilaha ahi ay gaar ku tahay dambiga ay geysatay isla markaana aanu cid kale saamayn ku yeelan doonin loona baahan yahay in dambiilaha meel looga soo wada jeedo oo aan hab qabiil iyo  reernimo          midna aan lagu difaacin loona wada arko in uu yahay qofka sharwadaha  ahi mid cadaw ku ah cid kasta.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply