Akhlaaqada Janada Lagu Galo

0
667

Maalin ayuu nin Rasuulka Allah (scw) u yimi nin wuxuuna ku yidhi “ gabadha heblaayo way salaad, soon iyo sadaqad badan tahay, laakiin Jaarkeeda ayay ku dhibtaa carabkeeda”
Rasuulka Allah (scw) ayaa ku yidhi “ Naarta ayay ku jirtaa”.
 
Waxa kale oo uu yidhi “ Gabadha kale ee heblaayo way salaad, iyo soon yar tahay, wax yar oo gadhoodh ahna way sadaqaysataa, mana dhibto jaarkeeda. Rasuulka Allah (scw) ayaa ugu jawaabay “ waxay ku jirtaa Janada”
 
Halkaasi waxa ka cad in akhlaaqada wanaagsani ay tahay tan Janada lagu galo.
Rasuulka ayaa Asxaabtiisa ku yidhi :” Ma garanaysaan kan saboolka ah” waxayna ugu jawabeen waa kan aan waxba haysan (Dirham iyo Alaab), waxaana Rasuulku ku yidhi saboolka umadaydu waa kan maalinta qiyaame la imanaya salaad , soon iyo seko. Oo imanaya  isagoo kan caayay, kan been ka sheegay, kan maalkiisa cunay, kan dilay kan garaacay  “ Camalkii wanaagsana ee uu la yimina looga qaadayo. Haddi ay dhamaystirimi weydna denbiyadooda isaga la saarayo, iyagana laga soo qaado, ka dibna Naarta lagu turaa.
Dhuryanka hadal xun ee beenta ah ayaa kaa baabiinaya camalkaagii wanaagsanaa.
 
Akhlaaqda wanaagasan ayaa ah tan Janada lagu galo, marka aad raaciso camal wanaagsan haba yaraadee.
 

Leave a Reply