Qiima dhimis Taleefoonada Bariga Africa

0
415

Qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta bariga Afrika ayaa ku heshiiyay inay dhimaan qiimaha wicitaanka taleefoonada isaga gudbo xadadka in ka badan lixdan boqolkiiba.

Mid ka mid ah ujeedooyinka tallaabadan ayaa ah, in la kordhiyo ganacsiga ka dhexeeyay xubnaha bulshada gobalka Bariga Africa. Kenya iyo Rwanda ayaa horay u jaray qiimaha is wicidda dalalkooda, waxaana la filayaa in Uganda ay hirgeliso isbadalkan dhamaadka bisha. Tanzania, Burundi iyo dalalka kale ee ku jira bulshada Bariga Africa ayaa sheegay inay doonayaan inay ku biiraan qorshaha.

Leave a Reply