Malala oo la Siiyey Abaalgudka Nabada

0
414

Abaalgudka caalamiga ah ee nabadda ee Nobel Peace Prize ee sannadkan waxa si wadajir ah ugu guuleystay Malala Yousafzai, gabadha u dhalatay dalka Pakistan ee u ololeysa waxbarashada gabdhaha iyo Kailash Satyarthi oo u ololeysa xaquuqda caruurta lagu shaqeysto.
Malala oo 17 jir ah waa qofkii ugu d’a yaraa ee abaalgudkan la guddoonsiiyo.
Taalibaan ayaa madaxa ka toogtay sanadii 2012-ka iyadoo u ololeyneysay waxbarsahada hablaha.
Guddiga abaalgudkan bixiyey waxa uu sheegay in gabdhahan ay ku muteysteen abaaulgudkan ”halganka ay u galeen la dagaalanka cabbudhinta caruurta iyo dadka d’ada yar”

Leave a Reply