Mareykanka oo Taageero ka Sugaya Turkiga

0
408

Mareykanka ayaa sheegaya in ogolaansho uu Turkiga u ogolaado in xulufadiisa ay isticmaalaan garoonka milatari ee Incirlik ee dalkaas Turkiga si loola dagaalamo kooxda Khilaafada Islaamiga ay tahay nooca taageerada uu ka rajaynayo Ankara.
Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Chuck Hagel ayaa sidoo kale soo hadal qaaday taageero dhanka tababarada iyo hubka ah oo la siiyo xoogagga mucaaradka Suuriya ee qunyar socodka ah.
Waxa uu sheegay in arrintaasi lagu soo qaadi doono wadahadallada ay usbuucaan la yeelanayaan hoggaamiyeyaasha Turkiga.
Balse waxa uu intaasi ku daray in codsiga Ankara ee ah in dhanka Suuriya ee xudduudda laga sameeyo aag difaac aan aad loo filan karin.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa waxa uu wadaa weerarada uu ku qaadayo kooxda Khilaafada islaamiga oo hadda go’doominaya magaaladda Kobane.

Leave a Reply