Dib u dhiska Qasa oo loo Ballanqaaday 5.4 Bilyan Doolar

0
434

Qaadhaamayaasha caalamiga ah ayaa ka ballanqaaday shir ka dhacay  Qaahira inay bixinayaan boqolaal bilyan oo doolar  oo dib loogu dhiso Qaza.
Sida uu shirka Qaahira ka sheegay wasiirka arrimaha dibada Norway Lacagta lagu yaboohay ayaa gaadhaysa 5.4 bilyan doolar.
Isugeynta guud oo ay ku jiraan Maraykanka oo ku yaboohay   $212m (£132m) oo gargaar ah, iyo  Qatar oo  ballanqaaday  $1bn (£622m).
Ingiriiska ayaa isna bixinaya $32m (£20m).
Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa codsaday in la siiyo adduun gaadhaya The $4bn (£2.5bn) oo dib loogu dhiso Qaza kadib dagaalkii kontonka cisho ee dhexmaray Israel iyo Hamas.
Ugu yaraan 100,000 oo reer Qasa ah ayaa guryahoodii ku burbureen dagaalka, waxaana intii badnaydlost their homes in the war and much of the territory’s infrastructure was damaged.
Dhinaca kale Shirka dib loogu dhisayo Qaza ee Qaahira, ayaa hogaamiyayaasha Masar iyo Falastiiniyiinta ay ka sheegeen inay tahay waqtigii Israel ay joojin lahayd colaada ay ku hayso Falastiiniyiinta.
Madaxweyynaha Masar Abdul Fatah al Sisi, ayaa sheegay in dib u dhiska Qaza kadib dagaalkii Israel ay ku qaaday July ay ku xiran tahay nabad joogto ah oo ka dhacaysa Israel iyo Xamaas oo maamusha Qaza.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, ayaa sheegay in xaalada dadkiisa ay ku jiraan ay tahay mid daacad daro taariikhi iyo gumaysigi ugu mudada dheeraa waqtigan casriga ah.
Dowladda Falastiiniyiinta ayaa doonaysa afar bilyan oo dollar dib u dhiska Qaza. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay  in kabadan konton waddan.
Israel ayaa burburisay kaabayaashii dhaqaalaha ee Qaza, iyadoo meelaha qaar ay ay u egyihiin inuu dhulgariir uu ka dhacay

Leave a Reply