“WADDANI Raali-gelin Ha Ka Bixiyo Hadalkii Siciid Sulub Oo Xadgudubka ahaa”

0
421

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha guddida horumarinta beesha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir iyo ku-xigeenkiisa oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shacabka Somaliland ka xaal-mariyay hadalka ka soo yeedhay Siciid Sulub oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee  Waddani.

Waxay sheegeen guddidani in siyaasadii xisbiga Waddani kusoo ururtay inay wasaaradda duulista laga soo raro madaarka Hargaysa.

Sidoo kale, waxay guddoomiyaha xisbiga Waddani usoo jeediyeen inuu xaal ka bixiyo arrimaha kasoo yeedhaya masuuliyiinta xisbigiisa, haddii kale aanu shacabka Somaliland cod ka wada heli doonin. “Waddanka Somaliland tuulooyinkooda iyo degmooyinkooda dalka waa isku mid dalkana waa isku mid, laakiin inuu Siciid Sulub yidhaa may ahayn markaanu ku guulaysano talada dalka wasaaradda duulista halka ay ku taallo waanu kasoo raraynaa arrintaasina waxay iila muuqataa in barnaamijka xisbiga Waddani yahay marka ay tallada ku guulaystaan in ay xidhaan madaarka Hargeysa,  taasina wax laga qorayo maaha.” Ayuu yidhi Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir.

Guddoomiyaha gudida horumarinta beesha Ciidagale Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray. “Arrintaasina waxa ay ila tahay uun wixii afkiisa ku jiray Siciid Sulub ayuun buu yidhi, laakiin arrinkaas waxba kama suuroobi doonaan, barnaamijka siyaasaddeed ee xisbiga waddanina meel ayuu kaga dhacay, waxaanan odhan lahaa caydu ma fiicna, arrinta muddo kordhinta ee la sheegayo inuu madaxwayne Siilaanyo kordhisanayana waxaan odhan lahaa arrinkaas waxba kama jiraan ee madaxwaynuhu waxa uu diyaar u yahay doorasho.”

Dhinaca kale waxa uu caaqilku ka hadlay muddo dhaafka golaha wakiillada iyo guurtida, kaasoo uu sheegay in xildhibaannadu  fadhiyaan in ka badan toban sano. “Golaha wakiilada cid ka hadlaysa arki maysid, waxaanay xildhibaannadu fadhiyaan toban sanno, waxaana ka sii daran golaha guurtida oo iyaguna fadhiya in ka badan  tobanaan  sano oo la moodo dhaxal-tooyo la iska dhaxlayo oo ninba nin bedelayo, sharci ay leeyihiina ma jiraan. sidaasina daw maahee shacabku iyagana waa inay hoos u eegaan, waxaan odhan lahaa dawladdu maxay u odhan wayday doorashada baarlamanka yaan maalin lagu darin inta ay xildhibaannadu leeyihiin yaan maalin madaxtooyada lagu darin.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka guddida horumarinta beesha Ciida gale oo isaguna shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in siyaasadda xisbiga Waddani ay tahay in madaarku halka uu ku yaal laga raro, isla markaasna ay shacabka Somaliland arrintaasi ku noqotay fajiciso waxaanu yidhi, “Madaarku waxa uu ku habboon yahay in wasaaradda la’ag keeno,wasiirku waa kaas keenay, laakiin Siciid Sulub waxaan leeyahay qorshahaasi wuu fashilmee mid kale la kaalay, waxaanu leenahay maamulku inuu dadka wado gaadho weeyaan, laakiin maaha inuu cid keliya gaadho, annagu xisbi uma hadlayno waxaanu nahay dadka deegaanka, waxaanu la yaabnay sida uu hadalku afkiisa uga soo baxay ninkaas siyaasig ah,”

Guddoomiye ku-xigeenka guddida horumarinta beesha Ciidagale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Xisbiga Waddani haddii uu beenin,waayo hadalkaas ama raali-gelin ka bixin waayo waxaanu aqoonsan doonaa inaanu shacabka Somaliland qaybo ka mid ah cod ka doonayn, hadalka guddoomiye Cirro waan dhagaystay oo mid wanaagsan ayuu ahaa, laakiin waxa uu ahaa inuu beeniyo hadalka Siciid Sulub ku kacay oo aan meesha leekayn, mucaaradka waxaanu leenahay wax mucaarada, laakiin wixii dalka khal-khal galinaya ka daaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply