“Cirro Ha Kala Saaro Shaqadda Xisbigiisa Iyo Golaha Shacbigu Soo Doortay”

0
437

Hargaysa (Dawan): Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste) oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha wakiiladda C/raxmaan Cirro uu isku Milan ku sameeyay shaqadii  ay  shacabku u doorteen   iyo shaqada xisbigiisa Waddani ee uu guddoomiyaha ka yahay.
waxaanu  tilmaamay in labadda xil ee kala  ah guddoomiyaha golaha wakiilada iyo ta xisbiga Waddani ee uu C/raxmaan Cirro isku koobay ay jaho wareer ku hayso bulshadda,  isla markaana  ay muuqato in  golihii umaddu soo dooratay ee Wakiiladu  uu isku bedelay xafiiskii xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
siyaasi Cabdi Maxamuud Saleebaan (Mingiste), oo shalay u waramy Dawan, Waxa uu xusay in  haddii ay cidi shaqo uga baahato  C/raxmaan Cirro   marna loogu tago xafiiska golaha wakiiladda  marna xafiiska xisbigiisa  Waddani. Waxaana  uu sheegay inay muhiim tahay  in C/raxmaan Cirro kala saaro golaha iyo shacbigu soo doorteen iyo ta xisbigiisa.
Cabdi Mingiste, ayaa Sidoo kale waxa uu tacsi u diray eheladda dadkii ku dhintay mudaharaadyadii sababtii todobaadkani dhacay,  kuwii ku dhaawacmayna uu illahay caafimaad   siiyo.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda dadkii mudaharaadka shalay ku dhintay in uu Samir iyo iimaan ka siiyo, kuwi mudaharaadkaasi ku dhaawacmayna in uu illaahay caafimaad siiyo. Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay bulshadu aad ula yaaban tahay, taasi oo ah Guddoomiyaha golaha  Wakiiladu waa guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee  Waddani,  gudoomiyaha golaha Wakiiladuna waa gudoomiyahaasi, markaa waxaa lala yaaban yahay,  Isku milanka  Cirro ee shaqadii golaha iyo tii xisbigiisa ayaa ah mid ay bulshadu aad ula yaaban tahay. Markaa Golihii Wakiiladu ma wuxuu isku bedelay xafiiskii xisbiga  Waddani. Gudoomiye Cirro mar waxa uu fadhiistaa xafiiska golaha wakiialda, marna waxa uu fadhiistaa xafiiska xisgiga Waddani. Cida shao uga baahata guddoomiye Cirro mar waxay ugu tagan xafiiska xisbiga Waddani marna xarunta golaha wakiiladda, taasi oo keentay jaho-wareer la kala garan waayo xisbigii iyo golihii wakiilada ee shacbigu soo doortay.”
Waxa kale uu tilmaamay Mingiste  in muranka ka dhex jira  jira baarlamaanka uu yahay mid u gaar ah kuna kooban golahaasi, isla markaana aanay jirin sabab ay xukuumadu ugu lug leedahay. Xukuumadda iyo golaha Wakiiladuna ay yihiin laba hay’adood oo kala madax-banaan.
“Waxa kale oo iyadna jirta Afhayeenka xisbiga wadani waa xildhibaan golaha wakiiladda ka tirsan. Dadka u ololeeya  C/raxmaan Cirro waa xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda. Markaa Waxaa muhiim ah in xisbiga iyo golahan shacbigu soo doortay la kala saaro, c/raxmaan Cirrana waxaan kula talin lahaa in uu noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada ama guddoomiyaha xisbiga Waddani, waa in uu labadasi kala doortaa. Waxaanan anigu  qabaa in goaha wakiiladu  In uu yahay mid ay soo doorteen shaciga reer Somaliland muddo shan sano ah, laakiin may dooran in uu iska fadhiyo muddo toban sanadood ah. Mida kale  golaha wakiiladu waa rukun ka mid ah rukumadda dawlad-nimadu ku taagan tahay, ee ma aha rukun ka mid ah xisbiyadda mucaaridka ah. Wixii golaha ka dhacay  maalintii dhawayd   waxay gaar u ahaayeen golaha wakiiladda ee shaqo kuma ay lahayn xukuumadu” ayuu yidhi Cabdi Saleebaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply