Jaamacadda Camuud Oo Dilla Ka Bilowday Barnaamij Bulshadda lagu Wacyigelinayo Barashadda Sharciga

0
451

BOORAME (DAWAN)-Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof.Saleebana Amed Guuleed,  ayaa xadhig ka jaray barnaamij u jeedadiisu tahay  ku dhaqanka  sharciga, qaab dhismeedka garsoorka  iyo cadaalada loogana gol leeyahay sidii bulshada  loo bari lahaa  qeybaha kala duwan ee bulshadda.
 
Waxa  barnaamijkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda cadaalladda iyo jaamacadda Camuud, waxa fulinaya qeybta adeega sharciga ee jaamacada Camuud, waxaana shalay laga bilaabay  dugsiga sare ee Sheekh Cumar Good ee degmadda Dilla ee gobolka Awdal.
 
Guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, oo xadhiga ka jaray barnaamijkan wacyigelinta ah, waxaanu sheegay in barnaamijkani waxtar weyn u yahay bulshadda oo loo baahan yahay inay fahmaan xaqa ay u leeyihiin sharciga iyo cadaallada, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Bahda Caafimaadku had iyo jeer waxay  yidhaadaan daaweynta waxa ka fiican ka hortaga,    dambiyaduna ama dacduhuna  waa sidaasi oo kale inaan bulshadeenna barno xaqa ay u leeyihiin adeega sharciga waa lagama maarmaan, arrintaasi ayuu barnaamijkanna salka ku hayaa. innaga dalkeennu  mushkilad badan ma laha  sida wadanka  aynu dariska nahay  ee Soomaaliya, waxa ka dhaca dilal ilaahayna innaga waxaasi wuu innaga dul-qaadey iyagana  ILAAHAY ha ka dul qaado,aan ku dedaallo waxbarashadda dhalinyaradeenna.”
 
 
Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Camuud Prof.  Maxamed Maxmuud Diiriye, ayaa ardayda ku booriyay inay bartaan sharciga oo ay xaq u leeyihiin, waxaanu ugu baaqay inay ku dedaalaan waxbarashadooda oo dhiirigelinaysa inuu qofku fahmo waxa uu xaqa u leeyahay iyo waajibka muwaadinka saaran labadaba.
Maxamed Maxamuud waxa uu intaasi ku daray in adeega sharciga jaamacadda Camuud uu qareenno lacag la’aan ah u qaban doono bulshada qeybaha jilicsan ee danyarta ah. waxaanu ardayda ku waaniyay inay ka faa’iidaystaan wacyigelintan ay siinayaan.
 
 
“Aqoon kasta oo aad baratid sharcig kama maarmeysid , shracigana inta badan waxa uu ku qotomaa cadaaladda waana ta ILAAHAY  in aad barataan waa waajib idin  saaran  oo ina wada saaran,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Camuud.
 
Madaxa Xarunta adeega sharciga   Jaamacada Camuud  Xasan Cali Xasan, oo xafladaasi ka hadlay, waxaanu ardaydaasi u soo jeediyay inay wacyigelintan ka faa’iidaystaan oo ay gaadhsiiyaan bulshadooda.
 
Xasan Cali Xasan waxa uu tilmaamay in hawshan bulshadda lagu barayo sharciga ay gacan ka siisay Ha’yadda UNODC, isla markaana ay gaadh siin karaan dhammaan degmooyinka gobolka Awdal oo dhan.
Waxa kale oo uu sheegay in barnaamijkan oo kale laga wado gobolada waaweyn ee dalka oo dhan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply